Dawlada Australia Oo Bandow 24sacadood Ah Kusoo Rogtay Xaafada Ay Somaalidu Ka Degen Tahay Magaalada Melbourne. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Australia Oo Bandow 24sacadood Ah Kusoo Rogtay Xaafada Ay Somaalidu Ka Degen Tahay Magaalada Melbourne.
July 7, 2020 - Written by Editor:

Melbourne (W,N)-Dawlada Australia ayaa bandow habeen iyo maalin ah kusoo rogtay qeybo katirsan magaalada ugu weyn dalkaas ee Melbourne oo ayku nool yihiin Soomaalida badan oo qaxooti ah.

Sagaal dhismo oo ku yaalla Flemington iyo Waqooyiga Melbourne oo ay ku nool yihiin in ka badan 3,000 oo Soomaali ah ayaa xidhan tan iyo Sabtidii iyadoo la isku dayayo in hoos loo dhigo faafitaanka coronavirus.

Dadka ayaa awoodin inay guryahooda ka baxaan, waxayna ka cabanayaan inay helaan sahayda daruuriga ah, inkastoo dowladdu ay sheegtay in boqolaal xidhmooyin cunto ah iyo qalabka daryeelka carruurta loo qaybiyey.

Sababta loogusoo rogay bandowga ayaa lagu sheegay kadib markii dowladda loo gudbiyay in xaafaddaas uu aad ugusoo badanayo faafitaanka cudurka Coronavirus oo dalka Australia dib ugusoo laba kacleeyay.

Dowladdu waxay sheegtay in ugu yaraan 53 kiis laga helay guriyaal dowladeed oo katirsan dhismayaasha bandowga lagusoo rogay ee Soomaalidu degen tahay.

Soomaalida ayaa aad uga cabanaysa iyadoo aan lagusoo wargalin bandowgaan una diyaar garoobin in albaabada loo laabay xaafadooda. Waxay kaloo sheegayaan in dadku ay wadaagayaan waxyaabaha ay haystaan taasoo keeni karta in cudurku si xun ugu faafo Soomaalida dhexdeeda.

COMMENTS
LINKS