Dalalka UK, Denmark Iyo Netherland Oo Mashaariic Horumarineed Ka Fulinaya Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalalka UK, Denmark Iyo Netherland Oo Mashaariic Horumarineed Ka Fulinaya Somaliland.
July 5, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Dalalka UK, Denmark iyo Netherland ayaa Somaliland la saxeexday heshiis lagu fulinayo afar mashruuc oo muhiim ah kuwaas oo qayb ka ah wajiga labaad ee SDF.

Mashaariicda ay sedexdan dal ka fulinayaan Somaliland ayaa kala ah;

mashaariicdan ayaa kala ah dib u dhiska waddada isku xidha Berbera iyo Burco.

mashruuc lagu horumarinyo Beeralayda Awdal iyo Maroodi-jeex.

Biyo balaadhinta Caasimadda Hargeysa ayaa ah mashruuca saddexaad.

Mashruuca Afraad ayaa ah dhismaha Deked yar oo Kalluumaysi taas oo laga dhisayo magaalo xeebeedka Maydh ee gobolka Sanaag.

saddexda Safiir ee Waddamadan u qaabilsann Soomaaliya ayaa sheegay in mashaariicdan lagu saleeyay Qorshaha horumarinta Qaran ee Somaliland.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS