DAAWO;-Maayarka Magaalada Gabiley Oo Wasaarada Waxbararashada Ku Dhaliilay In Ay Ka Gaabisay Doorkii Ay Ku Halayd Waxbarashada Gobolka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Maayarka Magaalada Gabiley Oo Wasaarada Waxbararashada Ku Dhaliilay In Ay Ka Gaabisay Doorkii Ay Ku Halayd Waxbarashada Gobolka.
July 7, 2020 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Shir Lagaga Arinsanayay waxbarashada gobolka gabiley oo maanta lagu qabtay magaalada gabiley ayaa waxaa kasoo qaybgalay Agaasimaha Guud ee wasaarada iyo xubno kale oo katirsan wasaarada waxbarashada.

Maayarka Magaalada gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa wasaarada waxbarshada ku dhaliilay in ay ka gaabisay Doorkii ay ku lahayd waxka qabashada goobaha waxbarasho ee gobolka islamarkaana aanay waxba  reer gabiley uqabanin.

Dhanka kale Madaxdhaqameedka gobolka ee madasha ku sugnaa ayaa dhaliilo xoogan ujeediyay dhankooda wasaarada Waxbrashada taasi oo waji gabax ku noqotay Agaasimaha guud Ee wasaarada waxbarashada oo isagu reer gabiley ka doonayay in ay sidii ay muuse biixi utaageereen wakhtigii doorashada in ay wasaarada waxbarashada Ucaawiyaan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS