DAAWO;-Maamulka Cusub Ee Degmada Tog Wajaale Iyo Maamulkii Hore Oo Xilkii La Kala Wareegay Iyo Tirada Wasiirada Ka Qaybgalay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Maamulka Cusub Ee Degmada Tog Wajaale Iyo Maamulkii Hore Oo Xilkii La Kala Wareegay Iyo Tirada Wasiirada Ka Qaybgalay!
July 20, 2020 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W.N)Wasiirada isgaadhsiinta iyo technolajyada,hawlaha guud iyo guryayta,wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo masuuliyiin kale oo xukuumada katirsan ayaa maanta ka qaybgalay xaflada xil wareejinta maamulka cusub ee degmo ganacsiyeedka tog wajaale iyo maamulkii hore kuwaasi oo dhawaan wasiirka arimaha guduha xilkii ka qaaday gudoomiyihii iyo gudoomiye kuxigeenkii degmada halka laba masuul oo kale usoo magacaabay xilka maamulka degmada.

Munaasibada xil wareejinta oo maanta lagu qabtay magaalada wajaale ayaa waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay ganacstada,odoyaasha iyo gudiyada kala duwan ee magaalo ganacsiyeedka tog wajaale.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA MUNAASIBADA XIL WAREEJINTA;

 

 

 

COMMENTS
LINKS