“Ciidanka Qaranka Ee Jiidaha Hore Ee Muddada Dheer Difaaca Somaliland Mar Kasta Heeganka U Ahaa, Wax Kasta Oo Abaalmarino Ah Way U Qalmaan”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ciidanka Qaranka Ee Jiidaha Hore Ee Muddada Dheer Difaaca Somaliland Mar Kasta Heeganka U Ahaa, Wax Kasta Oo Abaalmarino Ah Way U Qalmaan”Cali Guray.
July 14, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” Oo kamid ah siyaasiyiinta Somaliland ee badi ka hadla Xaaladaha dalka ka taagan ayaa soo dhaweeyay bilad Geesiyada la gudoonsiiyay saraakiisha ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee bariga Somaliland gaar Ahaan deegaanka tukaraq oo maanta taliyaha ciidanka Qaranku gudoonsiiyay qaarkamid ah bilad geesiyo.

Sidoo kale siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in ay ciidanka dhiiri Galin utahay waxkasta oo la siiyaa loona baahan yahay in ay Cadaalad noqoto qaabka lagu soo xulayo cida la Gudoonsiinayo biladu.

Siyaasi Cali ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uuu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“GEESIYAAL GUULAYSTA”Cali Guray.

“Ciidanka Qaranka Ee Jiidaha Hore siba kuwa Bariga ee Muddada Dheer difaaca Somaliland mar kasta heeganka u ahaa wax kasta Oo Abaalmarino ah Way u Qalmaan waayo waa udub Dhexaadka xoogaga amniga qaran ee Somaliland. Waxan aqaan kuwo joogay muddo labaatan sanadood ku dhaw. Abaalmarintu Waxay macno iyo qiimo yeelan kartaa ay cadaalad tahay ee Aanay ahayn qof jeclaysi taas oo lagu xaqiijin karo marka hore Inay jirto oo ay qeexan yihiin qodobada salka u noqonaya Qiimaynta oo laga yaabo in muddadaa dheer aanay galal (files) lahayn ciidanku si joogto ah loogu gelinayay warbixinahooda dhinacyada aqoontooda, anshaxa iyo kala dambaynta iyo guud ahaan dedaalada waxqabadkooda. Markaa hadii inta Shahaadadaha/ biladaha mutaysatay ay yihiin kuwii ugu Mudnaa ee xaqa u lahaa waa guul. Waxa xun in ku xaq u Lahaana oo mutaystayna la waasiiyo ku aan mutaysan oo aan Xaq u lahayna uu helo sabab kasta ha ku helo eh.

Biladaha heerka qaran qaarkood waxay u baahan in Xeer lagu qeexo waayo qofka mutaystay si cadaalad ah oo sharciga waafaqsan ku mutaystay maamuus qaran iyo xuquuqo dheeri ah oo aanu muwaadinka caadiga ahi lahayn ayuu ku heli karaa.

Waxaynu xusuusan nahay berigii derajada ciidanka la bilaabay Qaar badan oo mucaaridka ka mid ahaa ayaa ka xanaaqay sidii loo bixiyay. Aniga oo markaa mucaaridka ka tirsanaa Mawqifkaygu shakhsi ahaan waan sheegay “ derejo ay wax ka Qaldan yihiin ayaa dhaanta ciidan aan wax derajo ah kala Lahayn waayo mustaqbalka waa la sixi karaa”. Biladaha/ Shahaadadaha ciidanka qaranka laftooda hadii ay wax kaba Qaldan yihiin waxa la gaadhi wakhti dib loogu noqdo oo si dhab Ah oo qoto dheer looga baaraan degi doono oo hadii wax la Seegay la sixi karo. Laakiin kolayba in la biyo-dhiciyo oo jaantaa Rogan ay noqdaan biladaha heerka qaran iyadoo dano gaar ah Laga leeyahay waan ka soo horjeeda, waayo heerka cadaaladda Somaliland kalsooni buuxda kuma qabo, mar kastana wixii si cadaalad ah loo qaybiyo qofka kowaad ee taageersan ayuun baan anigu ahay mar kastana ahaan jiray waayo anigu wax dan ah oo gaar ah Inta ka leh ee cadaalad darrada ay ugu badiso ka mid maan ahayn hadana kama mid ahi.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

 

COMMENTS
LINKS