|
|||||
WAJAALE NEWS
86 Sanno Ka Bacdi Oo Markii Ugu Horeysay Maanta Lagu Tukaday Masjidka Hagia Sophia Ee Dalka Turkiga
July 24, 2020 - Written by Editor:ISTANBUL(W,N)-Waxaa maanta markii ugu horraysay muddo 86 sano ah salaad jamaaco ah lagu oogayaa masaajidka taariikhiga ah ee Aayaa Soofiya ee magaalada Istanbul oo ahaan jiray matxaf, haatan se maxkamadda dalka Turkigu burisay qaraarkii waagaa matxafka lagaga dhigay. Arrintan ayaa ay aad ugu riyaaqeen shacabka dalkaas badankooda iyo Muslimiinta dunidu. furitaanka masaajidka waxa kale oo dheer in maanta oo 24 July ah oo si ula kac ah loogu beegay furitaanku ay tahay maalin taariikh gaara u leh Turkiga. “Muslimiinta wey faraxsan yihiin, qofkasta wuxuu doonayaa inuu ka qeyb galo furitaanka” waxaa sidaas yiri barasaabka Istanbul, Cali Yerlikaya. Madaxweyanaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in dhismahan qaddiimiga ah ee loo baddalay masaajidka si rasmi ah maanta loogu tukaday salaadda jimacaha.
Related posts:Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Qodobadii Kasoo Baxay Shirka Beelaha Habar Jeclo Iyo Gar-xaj... Daawo:Rabshado Ka Dhacay Magaalada Togwajeele Oo Sobobay Dhimashada Laba Ruux Iyo Hal Qof Oo Ku Dhaa... Hargeysa: Sheekh Reer Somaliland ah oo ku Guulaystay Abaalmarinta Qur?aanka Adduunka Oo Loo Sameeyey... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|