|
|||||
WAJAALE NEWS
“2021ka In Ay Doorasho Qabsoomi Karto Weli Su’Aal Baa Saaran, Waayo Mawqifka Madaxwaynaha Laftiisa Ayaad Moodaa In Aanu Cadayn In Uu Daacad Ka Yahay” Cali Guray.
July 26, 2020 - Written by Editor:Somaliland:-Doorasho Lagu Heshii Mase Muuqato. Waayo? Siyaasi Cali Guray. Sadexda Xisbi Labada Mucaaradka Waa run oo way ka go’an Tahay in doorashadu ay qabsoonto, weliba Kulmiye waxay la Wadaagaan in labada doorashado aan la kala qaadin ee mar la Wada qabto. Kulmiye doorashadu inay ka go’an tahay iyo in kale waxay ku xidhan tahay hadba mawqifka Madaxwaynaha oo isagu ah Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ay isaga ku xidhan tahay dhamaystirka Xeerka Doorashada Baarlamanka. Golaha Wakiilada oo uu ku xidhan yahay go’aanka in doorashada lagu galo sidii hore ee lagu doortay golahan oo hadda fadhiyay 15 sanadood 54 xildhibaan ayaa ka tirsan xisbiga Madaxwaynaha ee Kulmiye. Laakiin waxa muuqata in xildhibaanada aqalka Wakiiladu aanay diyaar u ahayn in ay wax-ka-bedel ku sameeyaan xeerka si loogu geli karo doorashada, heshiiskii xisbiyadana loo dhaqangeliyo. Hadii hadaba ay jirto in Madaxwaynuhu soo jeedintiisii u gudbiyay Wakiilada kana codsaday in ay ansixiyaan wax-bedelka loo baahan yahay dabcan waxay ahayd in mudnaanta koowaad la siiyo oo markiiba ajandaha qodobka ugu horeeya ay Noqdo. Wakiiladu marka ka doodaan waxay ahayd in ay cod u Qaadaan oo ama ay ansixiyeen uu gudbo ama diidaan dibna ugu celiyaan Madaxwaynaha. Nasiib darro taasi may dhicin ilaa hadda. Marka ay intaasi jirto heshiiska xisbiyadu wax ahmiyada ah ma yeelanayo waayo kaalin kuma laha dhamaystirka xeerka doorashada, hadiiba ay ku leeyihiin waxa u furanayd inay ka hawl galaan xildhibaanada ka soo kala jeeda labada xisbi ee Kulmiye iyo WADDANI oo ay ku qanciyaan xubnahooda in ay u codeeyaan wax-ka-bedelka xeerka. Marka aynu eegno sida wax loo wado doorasho iska daa sanadkan eh 2021ka in ay qabsoomi karto weli su’aal baa saaran waayo mawqifka Madaxwaynaha laftiisa ayaad moodaa in aanu weli cadayn in uu daacad ka yahay kana go’an tahay in sidii ay sadexda xisbi ku heshiiyeen doorashadu ku qabsoonto sanadkan oo ay ka hadhsan yihiin shan bilood oo keli ahi. Markaa in la yidhaa Madaxwayne is-cadee saw gar noqon mayso. Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Caligurey) Hargeysa, Somaliland
Related posts:Maayerka Degmeda Gabiley Oo Agab caafimaad Oo Qaali Ah Ku Wareejiyey Madaxa Caafimaadka Ee Gobolka ABWAAN XASAN DAAHIR WEEDHSAME Oo Maanso ku Cabiray Xaalada Abaaraha Ba,an Ee Dalka kajirta ,"Gurmada... Halkan Ka Daawo-Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Sharci Daro Ku Tilmaayay Shirka Gara... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|