|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Oo Loogu Baaqay Inay Wax ka Qabato Baahiyaha Qalab La’aaneed Ee Cisbitaallada
June 2, 2020 - Written by Editor:Hargeysa (W,N) – Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan-karaama), oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa walaac ka muujiyey xaaladda Cisbitaallada Dawladda, xilli la sheegay in Cisbitaallada Dawladda ee Boorama iyo Burco, ay wax badan oo adeegyada ahi ka maqan yihiin, sida Gaadiidka Gurmadka deg-degga ah. Xidhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan-karaama), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waa ayaan-daro in laga Dacaayad laga sheego Cisbitaallada Dawladda, ee waa in Cisbitaallada Dawladda dhaqaale loo huro oo la maalgaliyo, oo agabka, dawooyinka, ambalaasyada iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin in loo dhamaystiro ayaa wanaagsan, laakiin waa nasiib daro in ambalaasyo iyo wixii la midka ahaaba laga waayo, ama la yidhaahdo way fadhiyaan, ama looma hayo, sidaas darteed Xukuumadda talada dalka haysa waxaa laga rabaa inay dhaqaale u hurto adeegyada caafimaadka ee Cisbitaallada Dawladda, maaddaama ay iyadu masuul ka tahay”. Dhanka kale wuxuu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ku booriyey kuna dhiirigeliyey inay aad uga taxadiraan khatarka xanuunka koronaha.
Related posts:DAAWO;-Dadwaynaha Ku Dhaqan Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale Oo Siwayn Utaageeray Socdaalkii Madaxw... Wakhtiga Xirsi Si U Arkayay Aniguna Si kale Ayaan u Arkayay. Kani waa mid ka Mid Ahaa Maqaaladii Tax... “Barigii Hore Gabiley Waxaanu Kasoo Gali Jirnay Daaqada, Maantase Waxaa Muuqata In Aad Albaabkii Fur... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|