XOG: Khilaaf Ka Dhex Qarxay Madaxda Ugu Sarraysa Soomaaliya Iy Laba Garab Oo Ay U Kala Jabeen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XOG: Khilaaf Ka Dhex Qarxay Madaxda Ugu Sarraysa Soomaaliya Iy Laba Garab Oo Ay U Kala Jabeen!
June 11, 2020 - Written by Editor:

Muqdisho(W,N)-Waxaa soo baxaya khilaaf culus oo u dhaxeeya madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya oo aan marna khilaafkooda dibadda usoo bixin saddexdii sanno ee la soo dhaafay.

Warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho ayaa baahiyay in khilaafka u dhaxeeya hoggaanka dowladda uu salka ku hayo qaabka loo waajahayo doorashooyinka, islamarkaana ay madaxda hadda u kala jabeen laba garab.

Xogta la helayo ayaa sheegaysa inay isku saf yihiin madaxweynaha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey, halka ay is-raacsan yihiin ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha Aqalka Sare, iyo ku-xigeenka koowaad Abshir Bukhaari.

Inkasta oo Kheyre iyo Farmaajo aanu ka dhaxeyn khilaaf dhanka shaqada ah, haddana waxay ku kala aragti duwan yihiin habka loo marayo doorashada.

Farmaajo, Mursal iyo Muudey ayaa doonaya iney qabtaan doorasho ayna door weyn ku yeelan saamilayda siyaasadda Soomaaliya, sida maamul goboleedyada iyo mucaaradka, taas oo noqon karta mid aan hufneyn dalkana gelin karta dib u dhac iyo xasilooni la’aan.

Kheyre, Cabdi Xaashi iyo Abshir Bukhaari, ayaa dhankooda rumeysan inaan doorashada looga maarmeyn in lagala tashado dowlad goboleedyada, taasi oo ay si cad u sheegeen.

Si gaar ah, Cabdi Xaashi waxa uu damacsan yahay inuu iska rido masuuliyadda saaran ee waajibka dastuuriga ah iyo midda shaqsiga ah ee Xaaladda Soomaaliya.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa ka soo horjeestay Guddoomiye ku xigeenkiisa labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ku xidhan Villa Somalia.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in rabshado laga abuuro Golaha Aqalka Sare taas oo keeni karta jahwareer kale oo siyaasad

COMMENTS
LINKS