Xanuunka Covid19 Oo Gabi Ahaanba Badalay Hanaankii & Habdhaqankii Xil Gudasho Ee Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland Iyo Kaalinta Wasiirka Sacad? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xanuunka Covid19 Oo Gabi Ahaanba Badalay Hanaankii & Habdhaqankii Xil Gudasho Ee Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland Iyo Kaalinta Wasiirka Sacad?
June 15, 2020 - Written by Editor:

Wasiirka Maaliyadda Jsl Oo Kaalinta Koowaad Kaga Jira Masuuliyiinta Saska Ka Qaaday Xanuunka Covid19 Oo Gabi Ahaanba Baddalay Hab Dhaqankii Nololeed!

HARGAYSA(W,N)-Tan Iyo Markii xanuunka dunida oo dhan saamaynta balaadhan ku yeeshay ee Covid 19,isla markaana ay xaqiijisay xukuumadda Somaliland in uu ku dhacay una geeriyoodeen xanuunka Covid19 dad tiro yar oo muwaadiniinta Reer Somaliland ka mid ah. Waxuu xanuunka Covid 19 siyaabo kala duwan u saameeyay hannaanka xilgudasho ee Wasiirrada iyo masuuliyiinta xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi, Inkastoo Alle mahadi ha ka gaadhee xanuunkani aanu saamayn balaadhan ku yeelan bulshada Somaliland.Halka ay jiraan Wasiirro iyo Masuuliyiin aan lagu arag Wasaaradihii ay Wasiirka ka ahaayeen iyo fagaarayaasha warbaahinta kula hadli jireen muddada xunuunku jiray,waa wax lala yaabo ah in xubno ka mida Wasiirrada iyo masuuliyiinta xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi uu u noqday xanuunka Covid 19 gabaad ay kaga gabanayaan xilka iyo waajibaadka saaran ee ay u hayaan dawladda Somaliland .

Hadaba,xog ururin muddo laba bilood ah ay wadeen suxufiyiin ka tirsan bahda Shabakadda wararka wajaalenews.net,ayaa lagu ogaaday saamaynta xanuunka Covid 19 uu ku yeeshay hannaanka xil-gudasho ee golaha Wasiirrada iyo masuuliyiinta xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi iyo heerka uu ubaddalay xanuunka Covid 19 hab dhaqankoodii nololeed ee hore. Iyadoo xogtani daboolka ka qaaday in Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire kaalinta koowaad  kaga jiro wasiirrada saska ka qaaday xanuunka Covid 19 ee heerka taxadirkoodu gaadhay in ay gudan kari waayo xilka iyo waajibaadka masuuliyadda saaran ay farayso .

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo marka horeba ahaa masuul hannaankiisa xilgudasho ay ka muuqato tabcaanimo ayaa noqday Masuulka koowaad ee gabi ahaanba hannaankiisa xilgudasho uu marayo heer xilgudasho la’aana,isagoo sas ka qaaday xanuunka Covid 19,iyadoo xogtani xaqiijisay in cabsida uu ka qabo xanuunka Covid 19 Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ay baddashay hab dhaqankiisii nololeed,isagoo fasax aanay dalban ku fasaxay ilaaladii, dirawalladii iyo shaqaalihii ka shaqaynayay xafiiskiisa,ilaa nadiifisadii xafiiskiisa waxaanu ku shaqo tagaa gaadhi yar uu furahiisa isagu haysto,halka xarunta guud ee wasaaradda Maaliyadda iyo shaqaalaha ka howlgalaa ay ka jirto xaalad kala shaki leh oo qof kastoo calaamadaha xanuunka lagu arko fasax bilaa baadhitaan ah loo dirayo  .

Mar kale,Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad oo marka horeba dabeecad ahaa masuul xidhxidhan oo xidhiidhkiisu ku kooban yahay shaqsiyaad qurba-jooga oo sheeko wadaag ku ahaayeen qurbaha,ayaan gabi ahaanba ka war hayn bulshada baahida iyo basaastu ka muuqato ee xaaladooda nololeed marayso in ay macaluul u geeriyoodaan,inkastoo Dr Sacad Wasaaraddii Maaliyadda ee qaranka Somaliland halbowlaha ku soo rogay xaalad bandoo ah,oo mudane iyo maalqabeen qofkii muraad u yeeshaa aanu gali karin albaabka hore ee Wasaaradda Maaliyadda .

Sikastaba ha ahaatee,Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo muddo toban sannadood ah Saddex wasaaradood wasiir ka soo noqday xukuumadihii kulmiye ee xilka la kala wareegay,ayay dadka arimaha Siyaaasadda iyo maamulka Somaliland sida joogtada ula socdaa ku tilmaamaan in uu hormood u yahay masuuliyiinta aan u hagar bixin xilka iyo waajibaadka qaranka ay u hayaan ee raali galinta Madaxwaynaha magacaabay ku kooban,isla markaana wasaarad kastoo la geeyay ay ka muuqatay tabcaanimo darteed aan waligii kormeeri karin xafiisyada ay wasaaradiisu ku leedahay Gobolada iyo Dagmooyinka dalka Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

LASO MASUULIYIINTA KALE EE XUKUUMADA EE UU GABI AHAANBA COVID19 BADALAY HABDHAQANKII MASUULIYADEED EE XILKA AY UMADDA U HAYEEN!

 

COMMENTS
LINKS