|
|||||
WAJAALE NEWS
WHO iyo Boris Johnson oo soo dhoweeyey natiijada daawada cudurka Covid-19
June 17, 2020 - Written by Wariye:London (WJN) – Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa soo dhawaysay natiijada tijaabada daawada dexamethasone, taasoo dili karta ama hoos u dhigeysa dhimashada dadka qaba cudurka COVID-19, gaar ahaan kuwa xaaladaha culus ku jira. Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa guul weyn oo la gaaray ku tilmaamay natiijada daawadan, isagoo u mahad celiyay boqortooyada dowladda Ingiriiska, khubaradii soo bandhigay natiijada ee jaamacadda Oxford iyo bukaanadii lagu tijaabiyay. “Tani waa daaweyntii ugu horreysay ee la muujiyo in lagu dhimayo geerida bukaannada qaba COVID-19 ee u baahan oksijiin ama hawo, waa war aad loogu farxo waxaan u hambalyeynayaa Dowladda Boqortooyada Midowday ee UK, Jaamacadda Oxford, isbitaallada iyo bukaannada tijaabadan ka qeyb qaatay horumarkan sayniska ah ee lagu badbaadinayo nafaf badan” ayuu yiri agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus. Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa soo dhoweeyay guusha natiijada daawadaan, isagoo amaanay horumarka ay seynisyahanada UK ee ka qeyb qaatay soo bandhigida natiijada daawada dexamethasone. Wasiirka caafimaadka UK Matt Hancock ayaa isna sheegay in horumarka ay soo bandhigeen qubarada ay muujineyso in UK ay ku guuleysaneyso dagaalka ka dhanka ah Coronavirus. Wajaalenews Related posts:Madaxweynaha Djibouti Oo Xabsiga Dhigay Xaqlaha Shirkadda Omaar Ee Dhalasho Ahaan Kasoo Jeedda Somal... Dalka Malawi:-Waxka Ogow Saddex Dhacdo Oo Taariikhda Ugalay 2020 Iyo Somaliland Oo Noqon karta Qodo... DAAWO;-Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Sobobta Uu U Taageeray Musharax Barkhad Batuun Iyo Rajada Uu ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|