Wasiirka Xasan Gaafaadhi Muxuu Ka Yidhi? Wararka Sheegaya In Uu Xilka Iska Casilayo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Xasan Gaafaadhi Muxuu Ka Yidhi? Wararka Sheegaya In Uu Xilka Iska Casilayo.
June 4, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N))-Wasiirka Qorshaynta Somaliland, Ahna Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ee Haya Talada Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) Oo tan iyo intii uu kasoo noqday gudida wasiirada ahayd ee nabadaynta ujoogtay ceel afwayn  oo la sheegay sobobta uu uga yimid in ahayd in uu kasoo cadhooday islamarkaana madaxwaynaha ugudbiyay iscasilaad ayaa Markii ugu ugu Horeysay Ka Hadlay Wararka laysla dhexmarayo iyo in uu xilka  Iska Casilayo.

Qoraal Kooban Oo uu ku Baahiyay Degelka Uu ku leeyahay Twitterka ayaa Waxa uu ku duray Dadka Faafiyay Wararkaas Oo uu ku sifeeyay in ay been Yihiin

“Wax aan dani ugu jirin bay gelin hore iyo gelin dambe u taaganyihiine may dantooda ku foofaan.

Dadka beentan iyo xasarradan wareejinaya tolow yaa u warrama. Dadkii goormaa ladoorshay oo beenta ka doorbideen runta. Inta caqligu ku hadhsanyahay waxan u sheegayaa inaan waxba ka jirin arrinkan ayaamahan la wareejinayay, kolley dadkii waalli u badaye.” Ayuu Yidhi.

COMMENTS
LINKS