|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Beeraha JSL Oo Bilowday Hawl-galo Ay Ku Tijaabinayso Gaadiidka La Dagaalanka Ayaxa.
June 3, 2020 - Written by Editor:Hargeysa (W,N)-Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ayaa Maanta qaadday Hawl-gal lagu tijaabiyey Gaadiidka Wasaaraddu u adeegsanayso la dagaalanka Ayaxa oo dhibaato badan ku haya Beeralayda Somaliland. Hawl-galkan Tijaabada ah oo ka dhacay Deegaano ka mid ah Waqooyiga Magaalada Hargeysa ayaa waxa fuliyey Lix ka mid ah Gaadiidka la dagaalanka Ayaxa ee Wasaaradda Beeraha, kuwaasi oo ay u dhan yihiin Qalabkoodii iyo Siunta lagu buufiinayo Ayaxa. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed oo hawl-galkan hoggaaminayey iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dr. Axmed Cali Maax oo ku wehelinayey ayaa Saxaafadda kula hadlay Deegaanka Biyo Shiinaha oo ka mid ahaa Meelaha hawl-galka laga fuliyey. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha JSL oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu u nimid halkan oo Biyo shiinaha inaanu tijaabino lix gaadhi oo Hay’adda FAO nagu soo wareejisay, Nasiib-wanaag waxaanu halkan kula kulanay Ayaxii oo aanu la dagaalanay..” Agaasimuhu wuxuu sheegay oo kale “Ayuxu wuxuu saameeyay Geeska Afrika, haba ugu sii badnaato Somaliland oo la aamisan yahay inay tahay meesha keliya ee uu ku tarmo Ayuxu.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Haswhu waa bilow, Gobollada waxaanu u sheegaynaa in Maanta laga bilaabo aanu xaggooda u soo dhaqdhaqaaqi doono.” Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Biyo Shiinuhu waa halkii noogu dhawayd ee aanu is nidhi bal aad gaadiidkan ku soo tijaabisaan Gaadiidka, iyadoo la noogu soo sheegay inay joogto Koronkorta oo maraysa marxaladdii saddexaad.” Wasiirku wuxuu sheegay “Ka Wasaarad ahaan, inta aanu Ayuxu duulin ayaanu rabnaa intii Awooddayada ah inaanu la tacaalno, maaddaama oo ay tahay xilli roobaad loo dareeray Beeraha.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “ Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|