Wareegtooyin Is-khilaafsan Oo La Xidhiidha Fasaxa Shaqaalaha Ee 26juun Oo kasoo Kala Baxay Haayada Shaqaalaha Dawlada Iyo Wasaarada Shaqada & Arimaha Bulshada Jsl. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wareegtooyin Is-khilaafsan Oo La Xidhiidha Fasaxa Shaqaalaha Ee 26juun Oo kasoo Kala Baxay Haayada Shaqaalaha Dawlada Iyo Wasaarada Shaqada & Arimaha Bulshada Jsl.
June 25, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)- Laba Wareegto Oo is khilaafsan, oo ku saabsan Fasaxa shaqaalaha dawlada ee Xuska qaran ee 26-ka Jun, ayaa kasoo kala baxay Wasaarada Shaqo-gelinta, Iyo Arimaha Bulshada iyo Haayada Shaqaalaha dawlada, kuwaasi oo isku maandhaafsan maalmaha fasaxa Shaqaalaha dawlada iyo kuwa rayidka ah.

Labadan wareegto ee ay soo kala saareen gudoomiyaha haayada shaqaalaha dawlada iyo Agaasimaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada

Halka gudoomiyaha haayada shaqaalaha dawladu uu ku sheegay qoraalkiisan in aanu shaqaalaha dawladu fasax ahayn maalintii qaranku u asteeyay in ay safax yihiin shaqaalaha dawladu.

Dhanka kale agaasimaha haayada shaqaalaha ayaa shaqaalaha rayidka ku wargaliyay in ay fasax yihiin shaqaalaha rayidka ah maalintii uu dastuurki siiyay 26juun oo ku beegan maalin jimaha balse sidii caadada ahayd ay fasax noqonayaan maalinta sabtida ah.

Talaabadan, ayaa ah fadeexad hor-leh iyo kala dambayn laa’an nidaamka dawladnimo, iyadoo sidoo kalena khalkhal ku ridaysa Shaqaalaha dawlada oo garan la’ labada waraaqood ta ay amarkeeda Qaatan.

Geesta kale, dadka arimahan aqoonta sharci u leh, isla markaana sida dhow ula socda khaladadka iyo isbarbar yaaca labadan Haayadood, ayaa shabakad Xogreebnews u sheegay in labada waraaqood ee kasoo kala baxay Haayada Shaqaalaha iyo Wasaarada Shaqo-gelinta, ay saxsan tahay ta wasaaradu.

Halka wareegtada fasaxa ah ee Haayada Shaqaaluhuu sida la sheegay khilaafsan tahay xeerka Shaqaalaha qaranka.

Si kastaba ha haatee, tan iyo intii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi u Magacaabay gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe, waxa isa-soo taraya gefafka sharci iyo khaladaadka maamul ee Haayada Shaqaalaha dawlada Somaliland hoyga u noqday.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS