Somaliland:-Dalkii Madaxda Iyo Maal-Qabeenada!!Faalo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland:-Dalkii Madaxda Iyo Maal-Qabeenada!!Faalo.
June 9, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Dunida Aynu Ku Noolahay Waxaa ka soo Taliyay Wadamo Badan,Ilaa Maantana ka Taliya Waddamada Soo koraya Madaxwaynayaal Iyo Boqoro, Maalqabeeno ah,Iyagoo leh Hantida ugu badan ee dalka ay xukumaan sida:-daaraha ugu Badan uguna dhadheer,beeraha bustaanada ah ee ugu Waawayn dalka,baloodhada bannaan ee ugu badan iyo Gancsiga dalka ka socda oo qayb wayn ku leeyihiin.

Sidoo kale,kumanaan sanno uu Aadamuhu dunida guudkeeda Ku noolaa waxaa jiray maalqabeeno ay gacanta ugu jirto Hantida ugu badan ee dunida guudkeeda taala,maalqabeenada Oo shuraako la ahaa madaxda ka talisa dalalka ay ka ganacsadaan.

Halka bulshada ay xukumaan ama ka ganacsadaan ay ku nool yihiin nolol cidhiidhi ah,hoggaan xumo, saboolnimo,biyo la’aan caafimaad la’aan,cadaalad darro,Aqoon darro kala qayb sanaan iyo qabyaalad tafaraaruq iyo jaho wareer ku riday.

Muddo dheer oo nolosha Aadamuhu daris la ahayd labadaa Caqabadood ee kor ku soo xusnay,labadii qarni ee u Dambeeyay,dadaal dheer ka dib waddamo badan ayaa ku Guulaystay in ay ka gudbaan labadaa caqabadood ee nolosha Aadamaha haysatay,waxaana xusid  mudan.“ in waddamadaa ku guulaystay in ay ka gudbaan caqabadaha loo yaqaano waddamada horomaray”.Halka dunida inteeda badan ay la daalaa dhacayaan labadaa caqabadood ee kor ku soo xusnay .

Ugu horaynse,waxaase iswaydiin mudan jidkee loo maray in laga gudbo labadaa caqabadood loona dheeli tiro nolosha qaybaha kala duwan ee bulshada dalka ku wada nool ? Dastuurka jamhuuriyadda Somaliland waxuu si cad u qeexay in Siyaasadda dhaqaalaha Dalku Noqoto Mid Dheeli tiran una Siman yihiin bulshada qaybaheeda kala duwan Miyi iyo Magaalaba bal aynu dul joogsano Dastuurka jamhuuriyadda Somaliland Qodobka 11 aad  Dhaqaalaha Faqradiisa Labaad.

2:Iyadoo la dhawrayo in aanu habka dhaqaale noqonin mid Horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan waxba haysan si aanay u balaadhan Farqiga u dhaxeeya Nolosha Reer Magaalka iyo Reer miyiga,waxay dawladda Jamhuuriyadda Somalliand Xaqiijinaysaa in adeegyada Bulsho iyo fursadaha dhaqaale si sinaan iyo cadaalad ah loo qaybiyo.

Iyadoo,muddo laba sannodood iyo badh ah Madaxwayne Muuse Biixi talada dalka hayay,waxaa isa soo taraya baaqyada Siyaasiyiinta,culimo u diinka aqoonyahanka iyo muwaadiniin Badan oo dalka Somaliland magac iyo maamuusba ku leh ay Ugu baaqayaan in uu ka leexdo jidkaa uu qaaday oo dhaqaalaha Furfuro,isla markaana uu ka dhabeeyo balanqaadyadii uu Bulshada u balan qaaday waqtiguu ololaha doorashada Madaxtooyada ku jiray,sida la dagaalanka musuq-maasuqa,isla xisaabtanka,garsoor cadaalad ku dhisan iyo koboca maamul wanaaga oo noqda qorshaha u wayn ee xukuumadiisa.

Ugu dambayn,siyaasadda hoggaamineed ee Madaxwayne Biixi waxaa si cad looga dheehanayaa in uu qaaday jidkii Boqorrada iyo Madaxwaynayaasha maalqabeenada ah ee aan kor ku soo sheegay,halka saboolnimada bulshada Somaliland ku sii kordhayso,dhaqaalihii dalkuna uu ku ururay Madaxtooyada,madaxda gacan yarayaasha u ah iyo maalqaabeeno mashaariicda waawayn la siiyo oo la shuraako ah .

Marka ay madaxda umad hogaamisaa qaadaan jidka hanta urursiga iyo shuraakada kooxaha dhaqaalaha haysta oo halka maanta ay Somaliland marayso Ah ayaa dhanka kale waxay  horseedi kara kala qaybsanaan bulsho iyo dabac ku siyaamada maamulka dawladeed kaasi oo madax badan oo caalamka oo jidkaasi qaaday ay aakhirkii uhorseeday kacdoono dadwayne oo sobobay in uu burburo dalkii halka madaxdii xukumaysay ay qaarkood ku danbeeyeen Qaxoonti iyo xukun xabsi oo mudo dheer ay ku mutayseen xukun jacayllii iyo urursiga hantida umadda.

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF REPORT.

 

COMMENTS
LINKS