Siyaasiyiin Iyo Abwaano Gurmad Xaqiiqo Raadin Ah Galabta Ugu Tagay Qoysaska Degan Buurta Kala Jeexan Oo Saaka Xukuumada Madaxwayne Biixi Barakicin Iyo Dhaawacyo Ugaysatay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasiyiin Iyo Abwaano Gurmad Xaqiiqo Raadin Ah Galabta Ugu Tagay Qoysaska Degan Buurta Kala Jeexan Oo Saaka Xukuumada Madaxwayne Biixi Barakicin Iyo Dhaawacyo Ugaysatay.
June 12, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Ciidamada boliska Somaliland ayaa saaka aroortii hore ku waabariistay boqolaal qoys oo degan buurta kala jeexan ee galbeedka hargaysa oo kuwaasi oo muran dhul uu ka dhexeeyay qoyska madaxwayne biixi balse xukuumadu maanta oo jimcaha doonaysay in ay qasab ku samayso fuln koox oo dadkan lagu kaasi oo sobobtay dhaawac laba qof iyo tiro kale oo ay xidheen ciidamadu.

Hadaba si wax looga ogaado xaalada ay wakhtigan ku sugan yihiin qoysaskii deganaa buurta kal jeex

Waxaa gaadhay goobta ay degan yihiin maanta galinkii danbe siyaasi xamse cabdiraxmaan khayre abwaan cabdiraxmaan abees, iyo sharci yaqaan shaafici oo ka mid bahda looyarada Somaliland.

Xubnaha siyaasiyiinta iyo abwaanada ah oo kamid ah haldoorka dhalinyarada somalilland ayaa indhahooda kusoo arkay sida anxandarada ah ee xukuumadu ugalalaftay dadkan shacabka iyadoo goobta ay degan yihiin ay ilaa galabta xukuumada madaxwayne kusoo daad guraynayso ciidamado tiro badan.

Dhanka kale qaarkamid ah qoysaska degan buurta kala jeexaan ayaa caruurtoodii goobta ka daad guraynayay si ay uga bad baada xabada nool ee ay ciidamadu udeegsanayaan dadka shacabka

Siyaasi xamse khayre oo ka hadlay gurmad ay ugu tageen bulshada ku dhaqan buurta kale jeexan ee xukuumadu weerartay ayaa wuxu yidhi,

#Gurmad & Xaqiiqo-raadin

“Waxaan ku suganay buurta kala-jeexaan si aan ugu kuurgalno xaalada dhabta ah iyo sidda ay wax u jiraan. Imika oo saacaddu tahay 15:28 pm (Galabnimo) oo roob tiix ahina nagu da’ayo, waxaa laagtaa “Kalowle” ka talaabay gadiid ciidan oo 7 aan ka yarayn waxaanay ku sugan yihiin buurta “Malowle” ee idiin muuqata iyo laagta dhexdaada. Cabsi farro badan ayay dareemeen dadkii caruurta iyo hooyooyinka ahaa. waxaa i dhaaftay hooyo caruurteeddii ilkaha ku sidata oo u wada meel badbaadsan.

Lama yaqaan sababta ciidanka intaa le’eegi halkaa iskugu urursanayaan, waxaanu se ka digaynaa in laga waantoobbo adeegsiga xabbada nool siddii saaka dhacday

Waxaa Xaqiiqa raadintan igu weheliya abwaan Cabdiraxmaan Abees iyo Garyaqaan Maxamed Cali-ruush (Shaafici)

#Mataan wixii eebbe ku abuuray wali ma dhicin”ayuu hadalkiisa kusoo koobay siyaasi xamse khayre,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

 

COMMENTS
LINKS