|
|||||
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cali Guray Oo Madaxwayne Biixi Kula Taliyay In Uu Faraha Ka Qaado Muranka Dhulka Ay Dadka Danyarta Ahi Degan Yihiin Oo Uu Isagu Ku Ceebaysan Yahay.
June 12, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “cali guray” oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee badi ka hadla hadba xaaladaha ka taagan dalka ayaa ka hadlay dhulka lagu muransan yahay ee buurta kala jeexaan oo maanta ciidanka boolisku shaqaaqo ka dhacay ku dhaawaceen laba qof kaasi khilaafkiisu uu udhexeeyo qoyska madaxwaynaha Somaliland iyo dadkan masaakiinta ee meesha degan ayaa madaxwayne biixi ugu baaqay in uu muranka dhulkaasi faraha ka qaado maadama uu awoodii dalka haysto bulshaduna u arkayaan in dadka degan uu awood dawladeed udeegsanayo oo isagu ku ceebaysan yahay. Muj cali guray ayaa qoraal uu arimaha dhulkaasi ka hadlay ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan; “Waa Kan Gudoomiyaha Golaha Degaanka Caasimadda oo ka hadlay dhacdadii dhulka ee labada qof ay bilaysku ku dhaawaceen saaka ka dib markii rasaas nool ay u adeegsadeen. Mabay jirin ayuu yidhi dad dagenaan jiray oo xoog lagaga rarayay ee waxay la duminayay ama lagu socday waxay ahayd sandaqad cusub oo ku soo korodhay habeen hore oo si sharci darro ah (kolay) ay dad uga dhisteen habeen hore. Dabcan waa hal qof ama hal qoys waxa uu khuseeyay hawlgalka bilaysku. Markaa dadkan kale oo dhami ma waxay difaacayeen sandaq cusub oo si sharci darro ah habeen horedan qoyan looga dhistay dhulka markiisii horeba muranku ka jiray ee la ogaa in shaqaaqooyin hore ay ka dhaceen, dadkuna ay wadnaha farta ku hayeen in khasaare wayn oo dhimasho iyo dhaawac lihi ka dhaco. Haddii sida uu gudoomiyuhu sheegay arinku u dhacay dadka bilayska weeraray ee aan iyaga wax loo dhimay ama loo dhimayay jirin way qaldan yihiin anigu sida aan u arko. Waayo iyagii baaba dhulka ay degan yihiin lagu haystaye maxaa ka galay ee ay u daafacayeen ku hadaan anna kooyaa leh. Hadaba dhulkan hadalkiisu dheeraaday weliba uu gu’i waayay waxa ku ceebaysan Madaxwayne Muuse Biixi, waayo dhulkan khilaafkiisu hore ayuu in badan u soo jiray. Muuse wuxu noqday Madaxwayne oo weliba dadka deggenina ay ka mid ahaayeen taageerayaashiisii codkooda siiyay ee uu ku noqday madaxwaynaha. Hadaba hadii intii hore ee aanu Madaxwaynaha noqon dadkani ay dhulkan deganaayeen uma fiicna in muranka dhulkani sii jiitamo oo maalin walba hadalkiisu socdo oo la yidhaa “ Qoyskii Madaxwaynaha ay dad masaakiin ah oo dan yar ku haysta dhulkii ay hore u deganaayeen oo ay doonayaan inta Muuse uu madaxwaynaha yahay qasab loogaga raro. Taasi runtii sida ay hadaba tahay waa fadeexad gaar ahaan marka ay warbaahinta iyo cadawga siyaasadda ee Madaxwayne Muuse ay dhig dhigaan ee soomaali oo dhami maqasho ee aragto. Dad badan ayaa iswaydiinaya “ dhega dhega oo isagu dhulka oo dhan masuul ka ahayn muxuu kaga wareerayaa dadkana kaga wareerinayaa dhulkan yar ee masaakiintu degan yihiin iyo lexojeclada qoyskiisa?”. Anigu ama nasteex ha u qaato ama yaanu u qaadan eh waxan kula talibayaa in dhulkaa hadalkiisu go’o oo la joojiyo dadka danyarta ah ee ciidanku gelaldayaan wadnahana farta ku haya ilayn Madaxwayne ayaa dhul ku haysta awood badan oo aan qof caadiya ahayne. Ugu yaraan in uu Muuse kursiga Madaxwaynaha isagu ku fadhiyo waa in hadalka dhulkaasi go’aa dadka deganina ay nabad ku deganaadaan sidii horeba ay ugu deganaayeen ee aan maalin keliya loo galalafin. Haddii xataa uu dib u soo cusboonaanayo ha noqoto marka Muuse uu xilka ka dego uu noqdo Madaxwaynihii hore hadii isagu si kale iyo hoos wax u kala farsamayn kari waayay. Waxa la iigu bishaareeyay in labada qof ee ku dhaawacmay rasaastii saaku ay ahaayeen abtigay iyo habaryartay oo ah ardaaga Madaxwaynaha ilahay dhakhso ha u bogsiiyo eh.
Related posts:Wasiirka diinta Iyo Awqaafta jsl Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Dhaqaalaha Soo Gaadhay Gudida Gurmadka Su... Daawo: Fanaaniinta Iid Jaamac Batalaale Iyo Nimco Yaasiin Oo Soo Bandhigay Heesaha Ayka Qaadayaan Ba... Shirkadda Telesom Oo Koob Kubbadda Cagta ah u qabatay Shaqaala Waynaha Shirkaddaha Telesom Group. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|