Safiirkii Hore Ee Jsl U Fadhiyey Imaaraadka Oo Dawladaha Carbeed Ku Eedeyey Inay Lugta Hayaan Aqoonsiga Somaliland, Sheegayna In Ay Israa,iil UHeelantay Markale Inay Aqoonsato! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safiirkii Hore Ee Jsl U Fadhiyey Imaaraadka Oo Dawladaha Carbeed Ku Eedeyey Inay Lugta Hayaan Aqoonsiga Somaliland, Sheegayna In Ay Israa,iil UHeelantay Markale Inay Aqoonsato!
June 26, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka isu-taga Imaaraadka Carabta Amb. Hassan Yasin Hirad, ayaa Dawladaha Carabta ku eedeyey inay duudsiyeen dawladnimada Somaliland iyo xaqa ay u leedahay inay noqoto qaran kusoo biira Dawladaha la aqoonsan yahay.

Amb. Hassan Yasin Hirad, ayaa wuxuu xusay inay maanta haboonay inay jaamacada Carabtu aqoonsato Somaliland, isla markaana tixgeliso rabi-taanka Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, waxa uu safiirku sheegay in 1960-kii ay dawlada Israil aqoonsatay Somaliland, waxanu safiirku xusay inay weli Dawlada Israaiil xiisaynayo Somaliland, iyadoo dhowaan uu Wargeys kasoo baxa israa,iil  maqaal ku sheegay inay Somaliland iyo Israaiil yihiin dawlado walaalo ah.

Ex Amb. Hassan Yasin Hirad oo Warbixin Diblumaasiyadeed ku baahiyey bartiisa Twitter-ka ayaa waxa si weyn uga fal-celiyey dawlado carbeed, kuwasoo dhibsaday xaqiiqada uu baahiyey Diblumaasi Hassan Yasin Hirad. Qoraalada Safiirka ayaa u dhigan Sidan.

“Maanta waxay ku beegan tahay maalintii Somaliland ka qaadatay madaxbanaanideeda dawladda ingriiska iyadoo ahayd maxmiyad ee aan ahay meel lagumaysto.

Hadaba iyadoo ay Somaliland madaxbanaanideedii kalasoo noqotay Somalia 1991 una dabbaal degtay 29 guuradii bishii hore waxa iswaydiin mudan maxay jaamacada carabtu uga garaabiwayday qaddiyadda Somaliland?

Waxaan ugu baaqaynaa inay kagaraabaan kahor inta aan dawlado African ahi. Aaqoonsan  ama Israel oo horeba noo aqoonsatay Inay marlabaad na aqoonsato.

Sannadkii hore bilawgiisii ayuu qoray Qoraaga wayn ee reer Israel inuu ictiraafka Somaliland Israel yaalo, wuxuuna ugu baaqay madaxweyne muuse biixi inuu saaxiibada taqliidiga ah soo dhaafo oo uu yimaado Israel.

Waxaa sidoo kale maqaal dheer ka qoray joornaalka Jerusalem post xidhiidhkii lumay iyo walaaltinimadii Israel iyo Somaliland”.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS