|
|||||
WAJAALE NEWS
Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Jabuuti Oo Shacab-Weynaha Reer Jabuuti Ku Hambalyeeyay Maalintii Ay Xornimada Ka Qaateen Gumaystihii Faransiiska.
June 26, 2020 - Written by Editor:Jabuuti(W,N)- Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa Shacab-weynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ku Hambalyey sanaad-guurada 43-aad ee kasoo wareegtay Maalintii ay Qaranka Jabuuti xornimadooda ka qaateen gumaystihii Faransiiska oo ku beegaan caawa oo ay Taarikhdu tahay 27-ka Jun 1977-kii. Sidaas daraadeed, anigoo ku hadlaya Magaca Xukuumada Somaliland, ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo ka Shacab-weynaha Somaliland, waxaan Hambalyo halkan uga dirayaa 43-guurada kasoo wareegtay xornimada Jabuuti. Waxanan si gaar ah ugu Hambalyeynayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele, Raysal-wasaaraha, Marwada Qaranka iyo golaha Xukuumadiisa iyo weliba Shacab-weynaha Jamhuuriya Jabuuti, waxanaan leenahay ku waara Bash-bash iyo Barwaaqo iyo xornimo sii jirta. Guntii iyo gebo-gebadii waxaan Shacab-weynaha Jamhuuriyadda Jabuuti usoo jeedinaya inay ilaashadan amnigooda iyo dawladnimadood, isla markaana wada-jir ku waaran. Alla mahad leh. Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti. Related posts:Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Soo Magacaabo Xoghayaha Guud Ee Kulmiye Iyo Isku Shaandhayn Balla... Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Dhaliilay Qaabka Madaxwayne Muuse Biixi U Soo Dhisay Xukuumadiisa Burco :Shaqaalihii shirkada shidaal baadhista ee Gannel Energy oo mar kaliya maanta si lama filaana ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|