“Runtii Cali Khaliif, Aniga Xagayga Nin La Fudaydsan Karo Ama Dhegaha Laga Furaysto Maaha”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Runtii Cali Khaliif, Aniga Xagayga Nin La Fudaydsan Karo Ama Dhegaha Laga Furaysto Maaha”Cali Guray.
June 21, 2020 - Written by Editor:

Nin Faras Dabadiisa Ka Degay Wax U Dhaamuu Waayay.

Hadii wada tashi run ah la diido markaa in xaalku kala tashi noqonayo wax aan la fili karayn maaha, Cali Khaliifna anigu lama yaabani. Cali tan iyo intii uu Muqdisho ka soo quustay fikirka uu qabay haddana aan is leeyahay ma diidana wuu caddaa (Somaliland la wada leeyahay taladeedana la wada leeyahay ee aan la kala lahayn ee loo wada dhan yahay. Waxa uu qabay sida uu marar badan ku cadeeyay hadaladiisa in marka hore la helo Somaliland heshiis ah ka dibna loo wada hadlo Somaliland iyo Somalia. Xukuumaddii hore ee Axmed Silanyo ilaa iyo xad wax bay isla garteen,

balse intii Muuse Biixi uu Madaxwaynaha noqday runtii dhegaha ayuu ka furaystay oo muddo laba sanadood ka badan ayuu Cai gaafwareeg uun ahaa intaana hadlayay. Hadana waynu ogayn oo wixii hore ee lagu heshiiyayna halkii lagama soo qaadin wax cusubna lama keenin ee waxa laga soo qaaday uun Cali Khaliif in uu yahay nin iska hadlaya uun. Runtii Cali Khaliif aniga xagayga nin la fudaydsan karo ama dhegaha laga furaysto maaha.

Markaa Cali in uu dib isugu noqdo oo bal hadana xalka waddo kale inu u mari karo isku dayo muu dooran ee dan baa tidhi. Waxa la yidhi nin faras dabadiisa ka degay wax u dhaama ayuu waayay. Inta ay goori goor tahay hadii Somaliland aan sidan wax laga bedelin taladeeda iyo wada tashigeedaba kala tashigu wuu badan ee Cali Khaliif uun ku koobnaan maayo.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

 

 

 

COMMENTS
LINKS