Prof Ibraahim Meecaad Oo Ka Hadlay Qoraal Kasoo Baxay Safaarada USA Ee Jabuuti Iyo Muuqaalka Hore Ee Shirka Somaliland Iyo Somaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Prof Ibraahim Meecaad Oo Ka Hadlay Qoraal Kasoo Baxay Safaarada USA Ee Jabuuti Iyo Muuqaalka Hore Ee Shirka Somaliland Iyo Somaliya.
June 14, 2020 - Written by Editor:

CANADA(W,N)-Prof Ibraahim Maxamed Meecaad Oo kamid ah Aqoonyahan Reer Somaliland Ee ku Dhaqan Dalka Canada oo ah Aqoonta xeeldheer u hel arimaha geeska Africa iyo siyaasadaha maraykanka ee geeska Africa ayaa ka hadlay muuqaalada hore ee uu leeyahay shirka jabuuti Maanta uga furmay Jamhuriyada somaliland Iyo Somaliya.

Sidoo kale Prof Ibraahim Meecaad ayaa ka hadlay nuxurka uu Xanbaarsanaa Qoraal ay safaarada dalka maraykanku ku leeyahay dalka jabuuti ku baahiyay barteeda Twitterka kaasi oo ay si kale udhigeen ujeedada wadahadalka somaliland iyo somaliya iyadoo safaarada maraykanku Adeegsaday in shirku yahay shir dib uheshiineed iyo mid isdhexgal oo daba socda shirkii carta ee somaliya 20sano ka hor.

Dhanka kale Prof meecaad ayaa ka hadlay waxyaabaha laga filan karo in madaxwaynaha somaliland madasha La tago shirku uu yahay mid lagu kalsoonaan karo somalilandna aan looga baqay.

Prof meecaad oo arimahaasi ka hadlaya ayaa  wuxu yidhi.

 “ilaahay Ayaa Mahadle Dad faro badan ayaa wax Iga soo Waydiiyay Shirka jabuuti,  “Ugu horay ka hordhici mayno Natiijada shirka jabuuti waanan uducaynayaa waftigaa uu madaxwaynaha somaliland hogaaminayo  in ilaahay waafajiyo danta Somaliland, Waxwalba way dhacaane,

“Midna uga baqayno muuse oo madaxwaynaha Somaliland ah oo aynu og nahay waxa uu usoo maray xornimada somaliland Kan mid ahaa mujaahidiintii somaliland xoreeyay uga biqi mayno Somaliland. in sedexdii boqol ee kun ee udhintay, magaalooyinkii iyo  xoolihii labaabiiyay In uu dhayalsanayo isakadaa in uu khiyaameeyee” taasina mar qudha maskaxdayda kumay soo dhici, waanan uducaynaynaa,

Dhanka isagoo  ka hadlaya qoraalka kasoo baxay safaarada jabuuti wuxu yidhi; waxaan laaximay safiirka jabuuti qoraal usoo qoray oo aan laba qodob ah kasoo qaatay,

Mid waxaa weeyaan Somali reconsulition kii carta lagu qabtay oo kale oo jabuuti somalida uqabnayso oo ah ka xamar iyo  jabuuti lasoo boodaan oo lamid ah kii xasan guuleed jabuuti ku qabtay”

Qodobkale waxa weeyi regional intigration oo ah ka ay lasoo boodaan raysal wasaraha itoobiya oo ah somalida in ay isdhexgasho.

Balse safiirka maraykanka jabuuti kuma uu soo darin dooda Somaliland oo ah peeciful cepretion “nabad, sharaf iyo walaalnimo in lagu kala baxo taasina kumuu soo darin taasi way ka maqan tahay”

Markaa marka aad dhinac ka eegta waa guul ayaan rajaynayaa Somaliland marka aad eegto in gole layskugu yimid ay ku garnaqsanayso doodeeda ka sheegato,

Markale waxaa guul labaad ah mar haday Adna Aadan ku jirto waxaan filayaa in guul tahay, oo ay beesha caalamka luuqadooda ugu sheegto dooda Somaliland iyadoo soo taxaysa wixii ay soo martay wayna gudbinaysaa wixii ay Somaliland soo martay iyadoo xidhiidhinaysa shirkii London ilaa abu dubai  oo ugu danbeeyay shirkii madaarku,  markaa marka aad dhinacaa ka  eeg waa guul ayaan rajaynayaa Somaliland muuqaalka hore. ”

“Arinta shirka waxaan  u arkaa in aanu ahayn mid ka yimid dhinaca somalida balse waxay umuuqaataa arinta shirka in ay wateen beesha caalamka oo danahooda ka dhex eeganaya,

Ugu danbayn Somaliland waxaan urajaynayaa guul iyo gobonimo ayuu prof ibraahim meecaad kusoo koobay hadalkiisii.

WAJAALENEWS DESK’

HARGAYSA OFFICE.

 

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS