|
|||||
WAJAALE NEWS
Midowga Yurub Oo War Ka soo Saaray Wada-hadalada Somaliland Iyo Somaliya
June 16, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Midowga Yurub ayaa qoraal rasmi ah kasoo saaray wadahalada Dowladda Soomaaliya Iyo Somaliland uga furmay Magaalada Jubuuti ee dalka Jabuuti. Midowga Yurub ayaa qoraalka uu soo saaray kusoo dhaweeyey wada-haladii 14 Bishan June ka furmay Jabuuti, waxayna ku tilmaameen inuu yahay tallaabo muhiim ah oo Hore loo qaaday rajona gelineysa Shacabka labada dal iyo Qaaradda Africaba “Waa qayb muhiim ah talaabada kalsooni dhisida ee wadahadalka somaliya iyo Somaliland laguna yareynayo kala aragti duwanaanshaha, laguna horumarinayo dhismaha nabadda, barwaaqada iyo hurumarka gobolka. Djibouti iyo Itoobiya waxa ay ciyaareen door fir-fircoon oo uu ku qabsoomay wada-halka,” ayaa lagu yidhi qoraalka oo kidowga yurub ku baahiyeen bartooda twitrerka ee Midowga Europe. Midowga Yurub ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxwaynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ay labaduba ka go’an tahay sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen hannaanka Nabadda iyo horumarinta geeska Africa Related posts:Daawo:War Bixin Dhinacyo Badan Taabanasa Oo Laga Diyaariyay Dhibaatada Iyo Silica Ku Gadaaman Tahrii... Madaxwaynaha Jsl Oo Caawa Gurigiisa Ku Booqday Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilaanyo. Booliska Dalka Israa'iil Oo Sheegay In Ra'iisul-Wasaare Benjamin Netanyahu Maxkamad Lasoo Taagi Doo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|