|
|||||
WAJAALE NEWS
Midowga Afrika Oo Qirtay In Ciidamada AMISOM Dad Rayid Ah Ku Dileen Gobolka Shabeeladda Hoose.
June 11, 2020 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Midowga Afrika ayaa sheegay weerar gaadmo ah oo Al-shabaab ku qaadeen ciidamo katirsan AMISOM oo ku safrayay aagga Waqooyi Bari ee Janaale, ee gobolka Shabeellaha Hoose in uu ka dhashay khasaare rayid ah. Warbixinta Midowga Afrika ayaa lagu sheegay, ciidamada AMISOM oo la dagaallamayay argagixisada in nasiib darro qaar ka mid ah dadka rayidka ah ay kasoo gaartay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. “Nasiib darro, saddex haween ah ayaa ku dhintay is-rasaaseynta halka laba kalena ay ku dhaawacmeen oo hadda ay daryeel caafimaad ka helayaan isbitaalka AMISOM. Waxaan jeclaan lahayn inaan tacsi u jeedinno ehelladii marxuumiintaa waxaan u rajeyneynaa kuwa ku dhaawacmay si dhaqso leh usoo kabtaan,’ ayaa lagu yidhi bayaanka Midowga Afrika. Midowga Afrika Wuxuu ballanqaaday in AMISOM ay xoojin doonto amniga si ay u xaqiijiso xoojinta ilaalinta dadka rayidka ah. Related posts:Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL Oo Kala Wareegay Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Dhismaha ... Xoolo Kor Udhaafaya 35kun Oo Neef Oo Ku Xaniban Magaalada Berbera Iyo Dp World Oo Caqabad Ku Noqota... “Madaxweynuhu Xisbigiisa Wuu Dayacay Oo Labadii Mujaahid Iyo Jaamac Shabeel Oo Kaliya Ayaa Ku Hadhay... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|