|
|||||
WAJAALE NEWS
Midowga Afrika Oo Qirtay In Ciidamada AMISOM Dad Rayid Ah Ku Dileen Gobolka Shabeeladda Hoose.
June 11, 2020 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Midowga Afrika ayaa sheegay weerar gaadmo ah oo Al-shabaab ku qaadeen ciidamo katirsan AMISOM oo ku safrayay aagga Waqooyi Bari ee Janaale, ee gobolka Shabeellaha Hoose in uu ka dhashay khasaare rayid ah. Warbixinta Midowga Afrika ayaa lagu sheegay, ciidamada AMISOM oo la dagaallamayay argagixisada in nasiib darro qaar ka mid ah dadka rayidka ah ay kasoo gaartay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. “Nasiib darro, saddex haween ah ayaa ku dhintay is-rasaaseynta halka laba kalena ay ku dhaawacmeen oo hadda ay daryeel caafimaad ka helayaan isbitaalka AMISOM. Waxaan jeclaan lahayn inaan tacsi u jeedinno ehelladii marxuumiintaa waxaan u rajeyneynaa kuwa ku dhaawacmay si dhaqso leh usoo kabtaan,’ ayaa lagu yidhi bayaanka Midowga Afrika. Midowga Afrika Wuxuu ballanqaaday in AMISOM ay xoojin doonto amniga si ay u xaqiijiso xoojinta ilaalinta dadka rayidka ah. Related posts:Maayarku Xigeenka Caasimadda Hargaysa Oo Lagu Eedeeyay Musuq Maasuq Baahsan Iyo Xildhibaanada Gola... Tartanka Al Waxyayn Ee QUR'AANKA Iyo XADIISKA Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Hotel Ambassador 'Daawo Sawi... DAAWO ; Taliye ku xigeenka Asluubta Oo Ciidamada Ku Amray In Aanay Ku Dhex Milmin Asxaabta Siyaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|