|
|||||
WAJAALE NEWS
Marwo Rooda Cabdi Oo Qaran Jabka Ku Tilmaamtay In Ay Jsl Ka Dhaxlayso Qodobka Isdhexgalka Labada Bulsho Iyo Fariinta Ay Udirtay Madaxweyne Biixi.
June 25, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N):-Marwo Rooda Cabdi Muuse Oo kamid haweenka Siyaasiyiinta ah da’da yar ee ku abtirsada Xisbul xaakimka kulmiye ayaa maanta iyadoo La hadlaysa warbaahinta banaanka soo dhihtay wax laga dhaxlayo qodoba xukuumada Somaliland kusoo sexeexday heshiishkii jabuuti ee Somaliland iyo somaliya iyadoo su’aalo badan oo fariin ah u dirtay madaxweynaha jamhuuriyada somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Su’aalahan Siyaasiyad Rooda Cabdi Muuse ayaa daba socoda Nuxurka warmurtiyeedkii dhawaan ay soosaartay dawlada jabuuti oo ku uu jirey qodobka isdhexgalka iyo isu socodka Shacabka Somaliland iyo Somalia. Waxa aaney ku tilmaamantay Qodobkaasi is dhexgalka mid dhabar jab ku ah qaranimada somaliland iyo hayaankii Shacabka Somaliland ay ugu jireen sidii loo heli lahaa qaran aqoonsi caalamiya dunida ka hela. Su’aalaha ay Madaxweyne Biixi hawada u marisay ayaa kamid ah…”Mudane Madaxweyne Ma Xasuusan tahay in 50,000 oo Dhalinyar ahi u dhinteen in aan nin gayin Gacantayda Taaban,oo laga xoreeyo Gurigayga iyo gayiga aan ku noolahayba, Haddii aad madaxweyne Maanta hargeisa iigu keenayso kuwii dhintayna umaad hiilin anigana iimaad hiilin.”waxaa sidaasi tidhi siyaasiyad Rooda Cabdi Muuse. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:Kooxda Caafimaadka Ee Dekeda Berbera Oo Shaqaalaha Saaran Maraakiibta Iyo Doonyaha Baadhitaano Caa... Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Madaxwayne Biixi Ugu Baaqay In Uu Dadkii Shacabka Ee Gaadiidkooda Lagu Q... Toddobaad Ka Dib Heshiiskii Madaxweyne Biixi & Mucaaradka, Dareenada Ku Xeeran Iyo Dhaqdhaqaaqyadii ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|