|
|||||
WAJAALE NEWS
Maraykanka Oo Xukuumada Madaxwayne Farmaajo Ugu Baaqay In Ay Kulan Deg Deg Ah La Yeelato Madaxda Maamul Goboleedyada Somaliya.
June 9, 2020 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Villa Somaliya inay qaban-qabaabiso kulan dhex mara madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowladda goboleedyada. Qoraal kooban oo safaaradda Maraykanku ku leedahay magaalada muqdisho ku baahisay barta ay ku leedahay Twiterka ayaa lagu sheegay in dawlada madaxwayne farmaajo looga baahan yahay in ay deg Deg wada-shaqeyn iyo kulan ula yeelato madaxda dowlad goboleedyada si loo xaliyo khilaafyada jira. “Safaaradda Mareykanka waxay ugu baaqeysa Villa Somalia inay kulan isugu keento dhammaan madaxda dowlad goboleedyada, si waafaqsan dastuurka Soomaaliya. Wada-hadalka iyo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah aad ayaa loogu baahan yahay si loo xaliyo khilaafyada siyaasadeed ee jira, loona fuliyo deyn-cafinta iyo jawaabta laga bixinayo COVID-19,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda. Qoraalka safaaradda Mareykanka ayaa muujinaya inuu cadaadiska kusii kordhayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo diidan inuu madaxda maamul goboleedyada kala hadlo arrimaha doorashooyinka, xilli la sheegay inuu doonayo muddo kororsi. Baaqa kasoo baxay dawlada Mareykanka ayaa imanaya ayada oo sidoo kale goor sii horreysay uu Aqalka Sare ku baaqay shir dhex-mara dowladda, baarlamanka iyo dowlad goboleedyada kahor 25-ka bishan, si looga hadlo arrimaha doorashooyinka. Dhowr maalmood un kahor ayay ahayd markii uu fashilmay shir u dhaxeeyay guddiyo kala matala Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada, kadib markii ay madaxtooyada diiday dalab ka yimid dowlad goboleedyada oo ahaa inay ka hor 15-ka bisha kulmaan madaxweynaha iyo madax goboleedyada. WAJAALENEWS DESK MUQDISHO OFFICE Related posts:Prof Axmed Ismaaciil Samater Oo Jawaab Ka Bixiyay Eedo Loogu Jeediyay Hadalo Uu Dhawaan Warbaahinta ... DAAWO; Wasiirka Cadaaladda Oo Gaadhay Magaalada Lascanood Kana Daah Furay Barnaamijka 'Maxbuus La ... Xildhibaanada Golaha Wakiilada Jsl Oo Wasiirka Arimaha Gudaha Ku Eedeeyay In Uu Ka Dhago Adaygan Gol... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|