|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Shacabka Iyo Dawladda Jabuuti Ku Hambalyeeyey 43-Guurada Kasoo Wareegtay Maalintii Ay Gobonnimada Qaateen.
June 26, 2020 - Written by Editor:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Uu Shacabka Iyo Dawladda DJabuuti Ku Hambalyeeyey 43-guurada kasoo Wareegtay Maalintii ay Gobonnimada Qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay caawa ku beegan tahay Xuska sannad guurada 43-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii. Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi shacabweynaha iyo Dawladda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ay u dabaaldegayaan, innagoo ah laba dal oo jaar ah oo aad isugu dhaw haddana labadeennii maalmood ee xorriyadduna isku xigaan, waxa uu u rajaynayaa inay ku gaadhaan sannadkaa sannadkiisa horumar, bash-bash iyo barwaaqo. Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawladda Jabuuti xornimada iyo horumarka 43-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan, waxanu u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.” ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:DAAWO; Badhasaabka Gobolka Togdheer oo ka Hadlay Xadhiga Wariye Sakaaro Iyo Dhalinyaro Maalmihii Uda... Xukumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaal Shalay Dhex Maray Ciidamada Badda Somaliland Iyo Kuwa Jab... DAAWO;-Wasiirada Biyaha Iyo Warfaafinta Jsl Oo Kormeer Ku Tagay Xarunta Biyo Balaadhinta Magaalada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|