|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Jabuuti.
June 14, 2020 - Written by Editor:Jabuuti(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo hiirtii hore ee saaka ka ambo baxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti.
Madaxweynuhu waxa gegida diyaaradaha kusoo dhaweeyey ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayaan wasiirrada arrimaha dibadda, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Beeraaha, Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha, Mudane Maxamed Muuse Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland ee Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxda Waddanka Jabuuti kulan nasasho ah kula qaatay qeybta VIP-da ee Madaarka, waxaana Waftiga Madaxweynaha loo gelbiyey dhanka Hotelka Kempinski. Related posts:Daawo: Cali Khaliif Oo Hargaysa Soo Gaadhay, Kulan Casho Sharaf Ahna La Qaatay Qaar Kamid Ah Siyaasi... DAAWO Barnaamij Dhamaystiran Diirada Wacyiga Ee STAR TV oo Lagu Soo Qadanayo Nolosha Miyiga Ee Dadka... Gaadiidlayda Iyo Muruq-maalka Magaalada Wajaale Oo Bayaan Ay Kaga Cabanayaan Ganacsato Shaqadoodii ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|