|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Geele Miyuu Baddalay Siyaasaddiisii Midnimada Soomaaliya? Mise Mujaahidiintii Xukuumadda Xisbiga Kulmiye Hoggaamiya, Ayaa Baddalay Mabda’Ii Gooni Isu Taagga Jsl?Faallo.
June 25, 2020 - Written by Editor:Milicsiga Jawaab Celintii Guddida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye Ugu Hal Celiyeen Waraysigii Madaxwayne Geele 2.11.2003 Taariikhdu Ma Duugowdo . Xisbiga Kulmiye,wuxuu u arkaa cadaawad iyo nacayb uu u qabo Ismaaciil Cumar Geelle dadka,dalka iyo dawladnimada Somaliland,waraysigii uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa (IRIN) ee lagu baahiyay Warbaahinta Caalamka iyo tan dalkaba. Tan Iyo markii bulshada Somaliland halgan oo naf iyo maalba ay ku waayeen kula soo noqdeen fool habawgii ay ku dhacantay xoriyaddii Lixdankii ay ka qaateen dalka Ingiriiska ee ay ilduufka kula midoobeen dalka Soomaaliya,Allena ku guuleeyay in ay mar labaad bulshada Somaliland 18/5/1991 magaalada Burco kaga dhawaaqaan dalka jamhuuriyadda Somaliland,waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in xukuumadda Jabuuti ee Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele hoggaamiyaa si cad uga soo horjeeday gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland,isla-markaana geed gaaban iyo mid dheerba u fuushay siduu curdinka ugu goyn lahaa Jamhuuriyadda Somaliland ee cawada iyo ayaankaba u yeelatay bulshada Somaliland . Mar kale,waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Madaxwayne Maxamad X Ibraahin Cigaal Alle ha u naxariistee bulshada Somaliland u caddeeyay mawqifka xukuumadda Jabuuti ee Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele hoggaamiyaa kaga soo hor-jeedo la soo noqoshada xoriyaddii Lixdankii ay ka qaateen bulshada Somaliland dalka Ingiriiska ee ilduufka kula midoobeen dalka Soomaaliya . Sidoo kale,waxaa xusid mudan in aragtidaa Madaxwayne Cigaal ku raacsanaayeen Mujaahidiintii Snm hoggaaminaysay,waxaana diiwaanada taariikhda ku xusan in ay jirtay waqti mujaahidiinta Xisbiga Kulmiye hoggaamisaa ay mowqif cad ka lahaayeen siyaasadda midnimo doonka ee Madaxwayne Geele ku howlanaa kuna howlan yahay,iyagoo jawaab cad ka bixin jiray ololaha Madaxwayne Geele kaga dhaadhicinayay midnimada Soomaaliya beesha Caalamka Iyo waraysiyada uu kaga soo horjeedo jiritaanka qaranimada Somaliland ee uu siiyo warbaahinta Caalamka,taariikhdu ma duugowdee bal aynu dul joogsano.Bayaankan soo saareen guddiga fulinta Xisbiga Mucaaradka ah ee kulmiye soo saareen muddo todoba iyo toban sannadood ka hor,maalin ku beegan 2.11.2003,waxuu nuxurkiisu u qornaa sidan: “Xisbiga Kulmiye,wuxuu u arkaa cadaawad iyo nacayb uu u qabo Ismaaciil Cumar Geelle dadka,dalka iyo dawladnimada Somaliland, waraysigii uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa (IRIN) ee lagu baahiyay Warbaahinta Caalamka iyo tan dalkaba. Waraysigaas qaybtii uu Somaliland kaga hadlayay wuxuu ku sheegay Ismaaciil Cumar Geelle Arrimahan. 1;Somaliland waxay la mid tahay Koonfurta Soomaaliya oo aan degganayn. 2;Waxa hadda ka jira mintidiin mayal adag oo xasiloonida burburinaya. 3;Somaliland sida ay iska dhaadhicinayso ma aha,ma degayso ilaa ay Koonfuri degto. 4;Annaguna (Ismaaciil Cumar Geelle) waxaanu taageersanahay Somali-midaysan, mana ogolaanayno in aan u ololayno kala go’o. Inkastoo Xisbiga Kulmiye,uu si cad u ogaa inaanu Ismaaciil Cumar Geelle, marnaba ka tanaasulin, kana tanaasulayn afkaartiisa ka ololaynta qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland, haddana Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu ku sii darsaday,kuna hawlanyahay inuu dalka Somaliland ka abuuro xasilooni darro, nabad gelyo xumo kana fidiyo dacayaado uu doonayo inuu Caalamka ka dhaadhiciyo in aanay Somaliland waxba dhaamin Soomaaliya,isagoo sheegay inay ka jiraan Somaliland Kooxo Argagixiso, taas oo markii dhinaca Soomaaliya laga weydiin jiray aanu weligii ku sheegin. Haddaba,Xisbiga Kulmiye,wuxuu caalamka iyo ummadda Somaliland u sheegayaa in aanay aflagaadooyinkaas, shirqooladaas iyo colaadda Ina Cumar Geelle aanay marnaba waxba yeelayn Jiritaanka gooni Isu taagga, nabad gelyada, xasiloonida iyo isku duubnida bulshada Somaliland. Guntii iyo gabagabadii,muddo toban sannadood ah oo Xukuumaddaha Xisbiga Kulmiye talada dalka Somaliland hayeen,waxuu shaki wayni ku jiraa in Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele baddalay Siyaasaddiisii ahayd midnimada Soomaaliya iyo in mujaahidiinta Xukuumadda Xisbiga Kulmiye Ee Somaliland hoggaamiyaa ay baddaleen siyaasadoodii ahayd Qaranimada iyo madax banaanida Somaliland,waana mid u baahan in muwaadiniinta Somaliland guntiga u xidhaan sidii ay u heli lahaayeen xaqiiqda dhabta ah ee jirta! WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE WAJAALE STAFF Related posts:DAAWO;-Warbixin Laga Diyaariyay Biyo Xidheen Xukuumadu Somaliland Ka Hirgalisay Gobolka Gabiley! “Siilaanyo Horta Isagu Maaha Kii Hawaysan Lahaaba In Loogu Magac Daro Maktabadda Ama Library-ga Qara... Daawo:Waraysi Xiiso Badan Oo Lala Yeeshay Mahdigii Suugaanta Abwaan Cabdi Aaden Xaad (Cabdi Qays) M... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|