Madax-Dhaqameed Beesha Habar-Jeclo Oo Saaka Kulan Xasaasi Ah La Yeeshay Madaxweyne Biixi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madax-Dhaqameed Beesha Habar-Jeclo Oo Saaka Kulan Xasaasi Ah La Yeeshay Madaxweyne Biixi.
June 6, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madax-dhaqameed beesha bariga Burco ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Ma jiro war ka soo baxay labada dhinac ee kulanku dhex-maray laakiin wararka ay heshay shabakadda Wararka ee Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegay in saaka uu kulan saacado qaatay dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo inta badan madax-dhaqameedka beesha Habar-jeclo.

Madax-dhaqameedka kulanka la yeeshay Madaxweynaha ayaa waxa la sheegay inay hoggaaminayeen Suldaanka Guud ee beelaha Habar-jeclo Suldaan Cabdillaahi Cali Muuse iyo Suldaan Maxamuud Guuleed Mire.

Madax-dhaqameedkan oo marar kala duwan Hargeysa u yimid inay la kulmaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaanay u suurto-galin.

Ma jiro illa xogo dheeraad ah oo ka soo baxay kulan iyo arrimaha ay ka wada-hadleen labada dhinac, balse waxa muddooyinkii ugu dambeeyay jiray saluug ay beesha Habar-jeclo ka muujinaysay hanaanka uu Madaxweyne Muuse Biixi u maamulayo dalka.

COMMENTS
LINKS