|
|||||
WAJAALE NEWS
Madasha Xisbiyada Oo Xukuumada Farmaajo Iyo Shirkadaha Shidaalka Uga Digay In Ay Wax Heshiis Ah Wada Galaan Wakhtiga Kala Guurka.
June 23, 2020 - Written by Editor:Muqdisho (W,N) – Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha xisbiyada Qaranka ee somaliya ayaa waxaa looga hadlay kheyraadka dalka, gaar ahaan heshiisyada la xadhiidha arrimaha shidaalka Soomaaliya, xilligan oo lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay madashu ka walaacsan tahay tartanka ruqsada 7-da xidhmo ee ay dhowaan soo bandhigtay xukuumadda Soomaaliya. Madasha ayaa shaacisay in lagu jiro xilli doorasho, islamarkaana ay suuragal tahay in dowladdu wax weliba oo gacanteeda gala ay u isticmaali karto ololaha doorashada. “Maadaama dowladdu ku jirto xilli doorasho ah waxaa halis ah in wax walba oo dowladda gacanteeda gala ay u isticmaali karto ololaha doorashada taagan.”ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkan. Sidoo kale madasha xisbiyada qaran ayaa uga digtay dowladda dhexe iyo shirakadaha shidaalka in aysan ku deg-degin heshiis gadashada xirmooyin shidaal waqtigan kala guurk ah. HALKAN KA AKHRI WARSAXAFADEEDKA MADASHA XISBIYADA SOMALIYA; Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|