“Imika Waxaynu Ka Dhamaan Laanahay Hebel Waa La Xidhay Iyo Hebel Waa La Soo Daayey, Sharciyad Iyo Cadaalad Ma Barano”Aqoonyahan Jamaal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Imika Waxaynu Ka Dhamaan Laanahay Hebel Waa La Xidhay Iyo Hebel Waa La Soo Daayey, Sharciyad Iyo Cadaalad Ma Barano”Aqoonyahan Jamaal.
June 6, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa  Sheeko uu si faraxshannimo  uu U qoray  kaga waramay sheekho Laba Nin Oo Reer Waqooyi Ah Oo Muqdisho Tagay Dhexmaray Ku Masaalay Ficilada Xadhiga Ah Ee Xukuumada jsl shacabka kula kacdo.

Aqoonyahan Jamaal cali xuseen oo barta uu ku leeyahay ku baahiyay qoraalka uu sheekada laba nin ee reer waqooyiga ku dhexmartay muqdisho iyo midkastaa magaca uu layaabanaa ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa waxay udhignayd Sidan;

 

Berigii Koonfur iyo Waqooyi Isku Biireen Ee la sameeyey Jamhuuriyaddii Soomaaliya ayaa laba nin oo reer Waqooyi ah ayaa safar ku tegay caasimadda Muqdisho. Labadda nin may wada soconin ee midba wakhti ayuu magaaladdii Muqdisho galay. Beri danbe ayeey meel ku kulmeen isagoo midiba wax uu ka yaabo ku arkay magaaladdii Muqdisho. Ninkii koowaad ayaa isagu wuxuu aad ula yaabay meelkasta oo uu ku arko “Biibitaayo” ama Biibitaadaya Hebel oo ah goobaha cabitaanka iyo waxyaalaha fudfudud laga iibsado. Ninkii labaad ee kalena ay isaga kaga dhegtay goobaha kale ee ganacsiga ee “Tabakaayo” oo iyadu inta badan sigaarka iyo waxyaalo kale oo fudfud iibin jirtay.

Nin walba wuxuu u haystaa magacyadaasi inay yihiin shakhsiyaad oo labadaba midbay kaga dhegtay. Ninkii koowaad baa ku odhanaya kii labaad; “waaryaahee Islaantan Biibitaayo magaaladaba iyadaa kala badh lehe”, ninkii labaad ayaa isaguna soo boodayoo odhana “Waar waxaa ka daran islaanta Tabakaayo!, miyaad aragtid intay leedahay!” Dee imika waxaynu ka dhamaan laanahay gebigeenuba Hebel waa la xidhay iyo hebel waa la soo daayey. Sharciyad iyo cadaalad ma barano oo Xaalkeenuba waa Biibitaayo iyo waa Tabakaayo ma dhaafsiisana! Eeshqiyaasak!.

QALINKII AQOONYAHAN JAMAAL CALI XUSEEN.

 

COMMENTS
LINKS