|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Si Adag Uga Horyimid Wadahadal Madaxwayne Bixi Iyo farmaajo Uga Furmaya Jabuuti.
June 13, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha xisiga ucid eng faysal calu waraabe ayaa si adag uga horyimid wadahadal xkuumada somaliland wakhtigan la furto maamulka muqdisho oo mudo xileedkeedu dhamaaday islamarkaana marwalba cadow ku ah danaha somaliland Gudoomiye faysal cali waraabe ayaa ka digay in madaxwayne biixi wax wadahadal ah la furo somaliya, ” Mawqifkaygu waxa weeye horena waan uga soo horjeeday horena waan u sheegay in aan kulankaasi aanu maanta meesha qaban, wakhtigeediina aanu ahayn. Dawladda Soomaaliya ee maanta lala kulmayaana aanay ahayn dawlad mutaysatay in lala kulmo ayaan u arkaa, markaa guud ahaan kama soo horjeedno in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan hase ahaatee dawladda hadda joogta ood ogtahay dhibaatooyinka ay la raadiyeen Somaliland iyo heshiisyadii ay ka baxeen, iyo kii u dambeeyey ee ninkaa arimaha dibada u qaabilsan wixii uu ku hadlayey in la horfadhiistaa waxaan u aragnaa in ay tahay guul darro ku timi Somaliland.” Eng Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga Ucid oo waraysi siinayay idaacadda BBC. HALKAN KAGA BOGO WARKA GUDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE.
Related posts:Saxafi Maxamed Ilig Iyo Cabdijibaar Oo Maanta Uhelay Xoriyadoodii 80Cisho Oo Ay Xidhnaayeen Kadib. “Hadii Ay Wasiiradu Ku Andacoonayaan Sixir Bararku Waa Wax Iska Caadiya, Waxaanu Leenahay Damqashadi... Ugu Yaraan 27 Qof Oo La Sheegay Inay Ku Dhinteen Dagaal Laba Beelood Dhex Maray Deegaano katirsan G... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|