”Garyaqaan Jamaal Wuxuu Caadaystay Cadaawad Uu Uqabo Dugsiga Nuuradiin, Isagoo Marwalba Ka Baahiya Warar Been Abuur Ah”Gar Fadal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
”Garyaqaan Jamaal Wuxuu Caadaystay Cadaawad Uu Uqabo Dugsiga Nuuradiin, Isagoo Marwalba Ka Baahiya Warar Been Abuur Ah”Gar Fadal.
June 3, 2020 - Written by Editor:

“Waxaan Usoo Jeedinaya Garyaqaanka In Uu Ka Waantoobo Wararka Aan Salka Iyo Raadka Lahayn Ee Fidnada Kicinaya Ee Uu Baahinayo”Gar Fadal.

HARGAYSA(W,N)-Garyaqaan Xuseen Fadal Oo ah Sharciyaqaanka Dugsiyada Nuuradiin Ayaa Jawaab Kulul Ka Bixiyay Eedo iyo warar been Abuur ah oo dhaawac loo Gaystay Maamulaha Guud Ee Dugsiyada nuuradiin uu ka bixiyay garyaqaan Jamaal Mandeela oo dhawaan Warbaahinta Ka Hadlay,

Sidoo kale Garyaqaan Xuseen fadal ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaa uu sheegay garyaqaanku isagoo sheegay in Jamaal mandeela uu caadaystay fadeexadaynta iyo cadaawad uu uqabo dugsiyada nuuradiin isagoo xusay in garyaqaankani uu daba socdo arin lagaga guulaystay oo dhexmartay dugsiga Nuuradiin

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS