Falanqaynta; Kelmada “Mediation” Oo Madaxwayne Geele U Adeegsaday Kulanka Magaalada Jabuuti Ku Dhexmaraya Madaxwayne Biixi Iyo Farmaajo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Falanqaynta; Kelmada “Mediation” Oo Madaxwayne Geele U Adeegsaday Kulanka Magaalada Jabuuti Ku Dhexmaraya Madaxwayne Biixi Iyo Farmaajo!
June 13, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka hadlay kulanka magaalada jabuuti ku Dhexmaraya maalinta bari Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwaynaha somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Hadaba Ereyada uu udeegsaday madaxwayne geele Oo ka hadlayaykulankan ayaa ka duwan kuwii loo adeegsan jiray wadahadaladii hore udhexmaray Somaliland iyo Somaliya Taasi Oo Dareeno kala duwan iyo dodo ka dhex abuurtay bulshada reer Somaliland,

kelmada uu madaxwayne geele u adeegsaday kulan oo ah afsoomali ahaan Dhexdhexaadin halka wadahadaladii hore dalalka dhex dhexaadinayay labada dhinac ee Somaliland iyo somaliya u adeegsan jireen “wadahadal” iyadoo ay kala duwan yihiin micno ahaan labada kalmadood iyo luuqada diblamaasiyadaba.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, Kulanka Beri dhex maraya Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo wuxuu u adeegsaday kelmada “Mediation” oo ah dhexdhexaadin. Kulamadii hore u dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya waxa loo adeegsan jiray ‘talks’ oo ah wada hadal.

Diblomaasi ahaan faraq ayaa u dhexeeya labada kelmadood ee ‘Mediation’ iyo ‘Talks’.

Mediation; waa kulan ama kulamo loo soo agaasimo si rasmi ah oo leh duluc gaar ah islamarkaana ay qayb ka yihiin dhinac/dhinacyo saddexaad.

Talks; waa wada hadal dhex mara laba dhinac, mana laha wakiilo ama daneeyayaal kale oo dabo-gal ku sameeya wixii wada hadalka ka soo baxa.

Toloow, Somaliland ma waxa u wanaagsan in shirku noqdo ‘Mediation’ mise inuu noqdo ‘talks’.?

Shirarkan noocan oo kale ahi waxay u baahan yihiin feejignaan iyo khubaro hal baarkeed wax ka halacsan karta.

Dhanka kale madaxwaynaha jabuuti ayaa isagu kamid ah madaxda ay Somaliland jaarka yihiin ee u ololeeya midnimo somaliya dhexmarta markale isagoo sicad uga soo horjeeda madax banaanida Somaliland taasi oo uu sicad  tiraba dhowr jeer u sheegay.

Halka kelmada uu madaxwayne geele adeegsaday ay abuurtay dareeno shikile oo banaanka keenaya mawqifkiisa iyo dhinaca uu yahay wallow madaxwaynaha Somaliland ee wakhtigan hogaaminaya waftiga Somaliland uu gacan saar dhow laleeyahay madaxwaynaha jabuuti

Sidoo kale raysalwasaaraja itoobiya oo isagu lahaa kulankii u horeeyay ee ay wada yeeshaan madaxwaynaha Somaliland iyo ka madaxwaynaha somaliya uu isagu suurto galiyay kana dhacay magaalada adisababa isagoo kulanka labada dhinac ee barina goob joog ka ah

Mawqifka raysal wasaaraha itoobiya ayaa lagu tirinayaa in uu kamid yahay madaxda geeska ee aaminsan in Somaliland iyo somaliya ay dib uheshiiyaan taasi oo fagaaraha ay Somaliland kusoo bandhigayso doodeeda madaxbanaanida Somaliland ay tahay madal ay gadhwadeen ka yihiin geele iyo abiy oo labaduba garab siinaya maamulka madaxwayne farmaajo oo aan lahayn Awood dawladood oo ay ku hanan karto koonfurta somaliya, iska daa midnimo ay la gasho Somaliland e, balse ay beesha caalamka iyo wadamo carbeed oo dano gaar ah kalihi ay barbar taagan yihiin, ciidamada Amisona ay ku ilaaliyaan Amaankooda Magaalada Muqdisho,

Sikastabaha ha ahaatee fagaaraha ay Somaliland kusoo bandhigayso doodeeda dalka madaxbanaan ayaa mid ay caqabado badani ku xeeran yihiin oo ay adag tahay in ay hesho miis dhex dhexaada oo ay ku garnaqsan karto, balse waxaa laga warsugi doonaa natiijada kasoo baxda kulanka bari ee labada dhinac iyo doorka dhex dhexaad ee ay qaataan madaxda goob jooga ka ahi.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS