|
|||||
WAJAALE NEWS
Dib U Xusuuso Heshiiskii Hore Ee Somaliland Iyo Somalia Iyo Heshiiskan Dambe
June 18, 2020 - Written by Wariye:Jabuuti (WJN): – Shirkii wada-hadalada ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga socday Jabuuti ayaa xalay labada dhinac waxay gaareen heshiis cusub, oo hore. Qodobada cusub oo ay Xalay kala saxiixdeen Guddiyada labada dhinac waxay u qorneyd sidaan: 3 – Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida Kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani-aadamnimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiridoona muddo shan iyo toban cisho (15) ka dib ah, kuna shiridoona waddanka Jabuuti. 4 – Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho ah ku shiridoona waddanka Jabuuti. Waxaa muuqato inuusan jirin farqi weyn oo u dhaxeeyo heshiiskii ay horey u kala saxiixdeen Madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Siilaanyo. Qodobada ay Xasan Shiikh iyo Axmed Siilaanyo horey u kala saxiixdeen ayaa waxay kala ahaayeen: 1 – In la dardar geliyo wadahadalada labada dhinac isla markaasna wakhtiga lagu jaangoonayo. a) – In laga dhowrsado wixii wadahadalada carqad gelin kara. 3 -Labada dhinac waxay isla garteen in Dowladda Jabuuti laga qeyb geliyo wada-hadallada marka lo baahdo. 5 – In Madasha tan ku xigto ee ay kulmayaan ergooyinka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland ay noqoto 26-27 February ee 2015, laguna qabto Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. 6 – Waxay labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Somaliland ay u mahadcelinayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djabuuti, Mudane ismaaciil Cumar Geelle, oo marti geliyey wadahadalkaan kadib markii ay labada dhinac sidaas ka codsadeyn. Maxaa macno ah oo ku jira in sanado dhowr ah kadiba la kulmo, oo la saxiixo qodobo aan macno badan lahayn, haddana kaaga daran’e aan ayagiiba la fulin, oo mar kale haddana lagu celiyo?
Hargaysa Office Wajaalenews.net Staff COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|