Dhaqdhaqaaq Diyaar Garow Oo Lagu Soo Dhaweynayo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Ayaa Laga Dareemayaa Caasimada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhaqdhaqaaq Diyaar Garow Oo Lagu Soo Dhaweynayo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Ayaa Laga Dareemayaa Caasimada Hargaysa
June 18, 2020 - Written by Wariye:

Hargaysa(WJN):-Wafti balaadhan oo uu hor kacayay madaxwaynaha jamuuriyada somaliland mudane Muuse  Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in uu soo gaadho caasimada Haragaysa.

kaasi oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa caasimada jamuuriyada Djibouti oo uu ka socday kulan lagaga hadlayo sidii loo sii xoogjin lahaa wada-hadaladii Somaliland iyo Somalia oo in mudo ah hakad ku yimiday sidii ay u sii socon lahayeen.

Hadaba kulankaasi oo ay ku kulmeen Madaxwaynaha Somaliland,Somalia Ethiopia,Djibouti marti sharfkale iyo madax ka socda Europe,USA iyo Egad.

kulankaasi oo maalmo qaatay waxa ku sii sugnaa gudaha Caasimada Djibouti madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi,waxana maanta lagu wadaa in uu ku soo guryo noqdo caasimada somaliland ee Hargaysa.

halkaasi oo abaabul oo lagu soo dhawaynayo uu ka socdo kadib markii bulshada reer somaliland u riyaaqeen khubadii uu ka jeediyay madashaasi.

 

 

 

 

 

 

Hargaysa Office

Wajaalenews.net

 

COMMENTS
LINKS