Dhammaadka Muddo Xileedka Kalidii Taliyihii, Kalidii Cunaha Ahaa!!Qormada 1Aad… | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhammaadka Muddo Xileedka Kalidii Taliyihii, Kalidii Cunaha Ahaa!!Qormada 1Aad…
June 11, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Boqolkii Sanno Ee Udambeeyay,Waxaa Dunida Aynu Ku Noolahay Soo Maray Kalidii Taliyayaal badan Oo Siyaasaddooda Hoggaamineed muuqaalo kala duwan lahayd,halka taariikhdu Ka marag kacayso in dhammaan kalidii taliyayaashii dunida soo Maray maamulkoodii kusoo gunaanadeen taariikh Madow,afgambi iyo gadood shacab oo kalidii taliyayaashii Qaarkood naftooda ku waayeen,halka qaarkood ay ku Mutaysteen in xabsiga loo taxaabo,iyagoo godobna uga tagay Qaraabadooda xilalka ka haysay xukuumadooda ee eexda iyo Qaraabo kiilka xilalka ugu dhiibeen lana wadaagaysay awoodda Masuuliyadeed,ama sida sharci darrada ah kootada loogu xidhay guud ahaanba dhaqaalaha dalka ganacsi iyo mashaariicba .

Hadaba muddo Labaatan Sanno Iyo dheeraad ah,waxay Bulshada Jamhuuriyadda jabuuti ka mid noqdeen bulshooyinka ku hoos nool musuq-maasuqa,takri falka hantida ummadda,ku tumasho sharci, eex.Iyadoo siyaasadda gurracan ee Hogaamiyaha dalka jabuuti Geele ay sobobtay in siyaasadiisa hoggaamineed gumayso guud ahaan bulshada gobta ahayd ee Dulqaadka iyo Samirka Alle ku galladay,iyadoo  bulshada jamhuuriyadda Jabuuti muddadaa labaatanka sanno ah ay ku jiraan xaalad adag oo dar xumo nololeed biday Bulshada Jamhuuriyadda Jabuuti.Halka xukuumadda Kalidii taliye Geele xalaashatay in ay dalka ku hoggaamiso jidh-dil,dhac iyo in ay la wareegto hantida maalqabeenada iyo shacabka ka damqadaan dhibaatooyinka waawayn ee ay bulshada Jamhuuriyadda Jabuuti uu ku hayo xukuumada madaxwayne kalidii taliye ismaaciil cumar  Geele .

Mar kale,kalidii taliye Ismaaciil Cumar Geele oo isu diyaarinaya in markii shanaad kursiga ku xalaalaysto sidii hore u dhici jirtay hantida ummadda,boob,cabsi galin iyo awood sheegasho. Waxaa diiwaanada taariikhda sannado dambe lagu xusi doonaa siyaasaddiisa hoggaamineed lagu tilmaami karaa kalidii taliye Aan waxba hanbayn ka dib makuu si ula kac ah xilalkii qaranka iyo mashaariicdii dalka Jabuuti gacanta ugu galiyay Qoyskiisa,Caruurtiisa,Walaalkii,Wiilkisa, Inaadeerkii,Seedigii iyo guud ahaan qaraabadiisa sida:-Dekedii, Korontada, Biyaha,Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Qaranka iyo Wasaaradihii halbowlaha u ahaa dhaqaalaha dalka .

Sidoo kale,muuqaalada ka muuqda siyaaasadda hoggaamineed ee madaxwayne Geele ayaa ka marag kacaysa in jamhuuriyadda Jabuuti muddo labaatan sanno ah ay maalinba maalinta ka dambaysa in ay kordhayso awooddaha sharciga baal marsan,iyadoo Jabuuti ay ka jirto maanta, nidaam boqortooyo oo arxan daran oo aan waxba u hanbayn bulshada ay xukunto,waxaana xusid mudan,in markii wax kale oo dhan la soo dhaafay in ay kooto ugu xidhan tahay qoyska Madaxwayne Geele warshada caanaha. Halka bulshada jamhuuriyadda Jabuuti ee gobta ahi ay ku soo dhaweeyeen cabitaanka caanaha magac ka turjumaya uguna yeedhaan “Caano Qasab” mar hadii qof kale keeni karin caano kale iyo warshad kale oo caano samaysa .

Si kastaba ha ahaatee,waxaan qormada koowaad ku soo gunaanayaa in Madaxwayne Geele moogan yahay in bulshada dhibaataysan ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyo guud ahaan bulshada muslimiinta ah ee ka damqatay ay Allaha Awoodda leh ee dunida xukuma ka baryayaan in uu ka dulqaado hadimooyinka Madaxwayne Geele iyo xukuumadiisa,  waana dhammaadka muddo xileedka kalidii taliyaha aan waxba u hanbayn bulshadiisa sida ay uga wada dharagsanahay halkii ay mareen kuwo badan oo dunida soo maray oo sidan oo kale iskugu koobay awooda dalka,dhaqaalaha shacabkoodana ku hayay cabudhin,xadhig iyo tacadi oo kursiga lagaga tuuray kacdoon shacabka wallow uu madaxwayne geele waxba ka baran halkii ay mareen mucamaral qadaafigii liibiya,masar,tuunis, cali cabdale saalaxii yemen iyo kuwo kale oo badan.

Kala soco shabakadda Wararka Ee Wajaalenews.net Qormooyin Taxane ah oo Akhristayaasha Ugu soo Gudbin doono Hadimooyinka Madaxwayne ye Geele u gaystay bulshada Jamhuuriyadda Jabuuti mudadii 21sano ah ahayd ee xukunka haystay.

LASOCO

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WIXII FARIIMO MUHIIM AH IYO XOG AAD KA HAYSO XUKUNKA XAALADA MADAXWAYNE GEELE EE JABUUTI KUSOO GUDBI

EMAILKA;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS