|
|||||
WAJAALE NEWS
Degmada Alleybadey Oo Uu Ka Dilaacay Xanuunka Kaneecadu Iyo Gudoomiye Cabdirasaaq Oo Ka Warbixiyay Tirada Dadka Uu Sooritay,
June 24, 2020 - Written by Editor:ALLEYBADEY(W,N)- Degmada Alleybadey, ugu Yaraan Toddobaadkii u Dambeeyay Labaataneeyo, Qof ayuu Soo Ritey Xanuunka Kaneecada oo ka dilaacey indhawaale Deegaankaasi, Kadib Markii curashadii Roobabka Guga ee Sanadkani ay soo Rogeen Biyo Fara badan oo fadhiistay Togga, kaas oo ay ka dhalatay Kaneecadii ugu Badneyd ee Nooceeda ah. Gudoomiyaha Degmada Alleybadey, Cabdirisaaq Sheekh Cabdilaahi Awgaab,oo kawaramey Saameynta uu Xiligan Xanuunka Kaneecadu ku Leeyahey, Degmada Alleybadey iyo Shacabka ku Nool Wuxuu Xusey in aanu Wali jirrin dad u dhintey (Xanuunka Kaneecadu), haseyeeshee, uu Xanuunkani Soo Ritey Dad Tira baddan oo ka mid ah Shacabka Xoola-dhaqatada iyo Beeralayda ah ee Deegaanka. Xanuunka Kaneecadu Wuxuu Kamid Yahey, Cudurada Dilaaga ah ee Wakhtiyada ay Aawan Tahey, oo ku Beegan Waxyar kadib Curashada Roobabka Guga. Degmada Alleybadey, Oo katirsan Gobolka Gabiley Islamarkaana, Kamid ah Degmooyinka ku yaala Xuduuda u Dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya, ee Leh Dhulbereedka looga Faa,ideysto Roobka, ayaa inta la ogyahay Waxaa Wakhtiyo hore ugu Geeriyooday Xanuunkan, in Ka badan 200 oo Qof. HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;
Related posts:Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Samaale Oo Dhambaal Tacsi ah Udiraya Geerida Marxu... Daawo:Mayorka Caasimada Hargaysa Oo Xafiiskiisa Kula kulmay Haayad Danish ah Oo Caawisa Sportska Gar... Daawo:Siyaasi Cali Sanyare Oo Dalka Ku Soo GuryoNoqday Kana Hadlay Xaalada Abaareed ee Dalka Kataaga... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|