Dawlada Djibouti Oo Xabsiyada Ku Gurtay Dadkii Sameeyay Gadoodkii Lagu Diidanaa Tacadiga Lagula Kacay Duuliyaha Xidhan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Djibouti Oo Xabsiyada Ku Gurtay Dadkii Sameeyay Gadoodkii Lagu Diidanaa Tacadiga Lagula Kacay Duuliyaha Xidhan.
June 9, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Dawladda Djibouti ayaa xabsiyada kala duwan ee dalkaas ku gurtay dadkii sameeyay dibad baxyada ay ku dalbanayeen in la sii daayoe duuliye Fuaad oo filim uu iska soo duubay ku soo bandhigay xaaladda nololeed ee adag ee ku haysata xabsiga uu ku xidhanyahay.

Wasiirka arrimaha gudaha Djibouti ayaa sheegay inay xabsiga u taxaabeen ilaa lixdan ruux oo lagu xidhiidhinayo kacdoonkaas oo gigilay dawladda Djibouti, waxaanu sheegay in lagu samayn doono baadhis lagu kala saarayo kuwa uu sheegay inay dambiga leeyihiin iyo kuwa da’da yar.

Waxa kale oo ay dawladdu u hanjabtay qaar ka mid ah culimada Djibouti ee ka soo horjeeda hoggaanka Madaxweyne Geele, kuwaas oo looga yeedhay taliska Booliska Djibouti.

Geesta kale ciidamada ammaanka Djibouti ayaa habeen hore baadhis ku sameeyay guriga ay degenyihiin xaaska duuliye Fu’aad, waxaana ay xaaskiisu sheegtay inay ciidamadu garaacis u gaysteen qaar ka mid ah carruurta uu Fu’aad dhalay.

 

COMMENTS
LINKS