|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Shirkadaha Madaxa Banaan Ee Laydh Oo Taageeray In La Sameeyo Komishan Waafaqsan Xeerka Korontada Jsl.
June 15, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Shirkadaha madaxbanaan ee bixiya adeega laydh ayaa taageeray in wasaarada macdanta iyo tamartu samayso komishanka korontada oo waafaqsan xeerka korontada ee sharciga kaasi oo ay golayaasha qaranku ansixiyeen islamarkaana uu sexeexay dhaqan galkiisa madaxwaynaha Somaliland. Shirkadaha oo kala Ah Telesom, Indha Birta iyo Gaafane Power kamid ah shirkadaha bixiya adeega laydhka kana hawl gala magaalada hargaysa ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyay hadal dhawaan kasoo yeedhay dalada ay ku midoobeen shirkadaha laydhka Somaliland qaarkood kuwaasi oo iyagu kasoo horjeestay in la sameeyo komishanka korontada iyagoo xusay in aanu jirin wax xeer ah oo qeexaya aas aaska komishanka korontada Somaliland. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|