DAAWO;-Madaxweynaha Jsl Oo Maqal Iyo Muuqaal Kaga Qayb Galey Munaasibad Ardeyda Somaliland Oo Maraykanka Jamacadihiisa Ka Baxay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Madaxweynaha Jsl Oo Maqal Iyo Muuqaal Kaga Qayb Galey Munaasibad Ardeyda Somaliland Oo Maraykanka Jamacadihiisa Ka Baxay.
June 7, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenimadii xalay habka maqalka iyo muuqaalka kaga qayb-galay xafladda qalinjebinta 13 Arday oo dhammaantood ka baxay Jaamacadaha ugu waaweyn Adduunka, gaar ahaan Maraykanka, kuwaas oo hore uga soo baxay Abaarso Tech qaybteeda ay ku leedahay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ardaydaasi ka mid ahaa  arday ka baxday Jaamacadda Harvard iyo Jaamacadda Yale.

Xafladdan Madaxweynuhu kala qaybgalay Ardayda ayaa noqotay Ardaydii ugu badnayd ee hal mar ka wada qalin-jabisa jaamacadaha Maraykanka.

Tan iyo wakhtigii Abaarso Tech laga furay Somaliland sannadkii 2009-kii ilaa wakhtigaa waxa ka baxay Abaarso 150 arday oo dhammaantood helay Scholarship waxbarasho oo dibedda ah. Scholarship ay heleen 150-kaa arday waa deeq waxbarasho oo lacag ahaan u dhiganta 30 Million oo doolar, marka la xisaabiyo, waxbarashada, sannadaha ay joogayaan meesha cuntadooday iyo jiifkooda iyo local transport kooda iyo tickets ay ku dhoofaan, kuna soo noqdaan ardaydaasi.

Wakhti xaadirkana waxa dhigta Abaarso 275 Arday oo iskugu jira Grade 7 ilaa Grade 12.

Sidoo kale waxa Maamulka Abaarso School uu sannadkii 2017 furay – Jaamacadda Barwaaqo oo ay ku baxday dhismaheeda 1 Million oo dollar. 2.2 Million kale hadda ayaa lagu diyaarinayaa Campus.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS