|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Madaxwayne Biixi Oo Ka Hadlay Wadahadaladii Somaliland Iyo Somaliya Iyo Qodobka Muranka Badan Dhaliyay Ee Isdhexgalka Labada Bulsho +Shuruuda Ay Xukuumadu Ku Xidhay.
June 25, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay munaasibadii xuska sanad guuradii 600aad ee 1960 maalintii somaliland madaxbanaanida ka qaaday guumaystii ingiriiska ayaa ka hadlay shirkii jabuuti ee wadahalada somaliland iyo somaliya iyo qodobadii kasoo baxay oo muran badan ka dhex abuuray shacabka somaliland Madaxwayne biixi ayaa si gaara uga hadlay qodobka isdhexgalka labada bulsho ee somaliya iyo somaliland isagoo sheegay sida xeerarka somaliland dhigayo in ay reeban tahay in siyaasiyiintu ku jiraan kuwo uu ufasaxayo qodobkani in ay muqdisho tagi karaan amaba kuwo kuwo somaliya hargaysa iman karaan. Dhanka kale madaxwayne biixi ayaa sheegay in shuruudi ku xidhan tahay cida tagay muqdisho haday tahay ciyaartoy amaba madaxdhaqameed isagoo xusay in cidkasta oo tagaysa muqdisho ku tagayaan baasaporka somaliland iyaguna ay dalkeena kusoo galayaan baasapoorka somaliya balse hadii aanay taasi dhicin aan cidina isku socon doonin. Madaxwaynaha oo arimahaasi kasii hadlayaa ayaa bulshada reer somaliland ugu baaqay in aanay baqan somaliland aanay maraynin maanta meel looga cabsoodo. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKA MADAXWAYNAHA; Related posts:Xisbiga Mucaaradka ah Ee Ucid Oo Xubinimadii Ka Qaaday Axmed Aden Keyse Oo Hore U Ahaan Jirey Xoghay... Daawo:Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabtay Hadalo Ka Soo Yeedhay Masuuliyiin... Daawo:Cali Khaliif Galaydh Oo U Quus Gooyay Farmaajo Soona Bandhigay Ahmiyada Uu Leeyahay Wada Hadla... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|