|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO:-Hooyada Dhashay Cabdilaahi Sheekh Cabdiraxmaan Oo Lix Sano Ku Xidhan Dalka Jabuuti Oo Fariin Codsi Udiray Iyadoo Ilmaynaysa Madaxweynayaasha Somaliland & Jabuuti.
June 15, 2020 - Written by Editor:“Waxaan Ahay Hooyo La Dulmiyay Oo Midab Takoor Lagu Sameeyay Wiilkayguna Wuxuu Uxidhan Yahay Somaliland” Hooyo Faadumo Ciise. HARGAYSA(W,N)-Cabdilaahi Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim, Waa Muwaadin u dhashey Dalka Somaliland, oo kasoo jeeda Gobolka Gabiley Gaar ahaan Beesha (Madigaan), oo Sanadkii 2014kii ayaa laga Qabtey Magaalada Hargeysa isaga iyo dad kale oo badan, oo ay Kamid ahaayeen Mulkiilayaashii Xawalaada uu ka Shaqeyn jirey, oo iyagu Masuuliyada lahaa haseyeeshee, Waxaa Dadkaa kale ee lala qabtey Sii Daayay, Madaxdii Xiligaa Xukuumadii Hore ee Madaxweyne, Axmed Siilaanyo, oo inankani Waayay isagu Cid Madax ah oo daba Socota. Muddo Lix Sanadood ah oo uu Ku Xidhan Yahay Dalka Jabuuti ayaan Marnaba la marin Wax Maxkamad ah Waxaanu ku joogaa Xadhigii ay Dalkaasi ku Geeyeen Sirdoonka Qaranka Jabuuti, oo Baadhsitiisa Natiijo Fiican Aan Ku Helin. Geesta kale Madaxweynaha Somaliland ee Xiligan ayaa og Xaalada xadhiga Wiilkaasi kazoo jeeda Beelaha Yaryar ee Somaliland Dega gaar ahaan Beesha Madigaan, ee Degta Gobolka Gabiley, Iyadoo hadda laga Wada Warqabo Dhibaatooyinka iyo Duruufaha Xadhigiisa kasoo Waajahay Hooyada Dhashey, oo Wakhti kamid ah Mudadii ay Daba Socotey ku Indha-beeshay Baroortii iyo Walaacii joogtada u ahaa iyo Waliba Xaalada Cimilada Dalka Jabuuti oo Xagaagii Marxalad adag ay ka Mudatay. Haadaba Hooyada Dhashay muwaadin Cabdilaahi sheikh cabdiraxmaan Ibaraahim Ayaa madaxwaynaha Somaliland iyo madaxwaynaha dalka jabuuti ka codsatay in wiilkeeda loosoo daayo oo lix sano ka hor ugacan galisay dalka jabuuti oo uu wali ku xidhan iyadoo fariin qiiro leh udirtay madaxwaynayaasha Somaliland iyo jabuuti iyadoo beerka ka ooyaysa. Sidoo kale Hooyo Faadumo ciise Fariid ayaa sheegtay in wiilkeedu uxidhn yahay Somaliland ayna tahay hooyo la dulmiyay oo lagu sameeyay midab takoor iyadoo shacabka reer Somaliland iyo umada muslimka ah ka codsatay in ay ukacaan oo xadhiga wiilkeeda la wadagaan murugada uu ku hayo iyada iyo caruurtii uu dhalay iyo qoyskiisa. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA HOOYADA WIILKEEDU KU XIDHAN YAHAY JABUUTI;
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|