Curadkaygii Caddaanka Ahaa!W/Q; Amal M.M Kastam. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Curadkaygii Caddaanka Ahaa!W/Q; Amal M.M Kastam.
June 5, 2020 - Written by Editor:

Carruurtu waa quruxda kaliya ee aan is leeyahay indhahaagu kama qadi karaan dunida intaad joogto, hadiyad ka qaalisanna ilaa immika laguma hayo qaamuusyada taariikhda lagu uruuriyo ee caalamka oo dhan. Markaan quus dareemo ee aan qalbi jabsanahay qosolkooda ayaan isku dawayn jray oo ii ahaa dhaymo.

Waxay ahaayeen kiniinka aan qandhada iskaga biiyo iyo sharoobada aan u qaato qoomamada iyo qiirada buux dhaafisa maskaxdayda mararka qaar. Qaribnaanta adduunyada markaan la yaabo, iyaga ayaan qalbigooda saafiga ah ee ku farxaya xabada nacnaca ah ku bogsoon jiray.

Xilliyada qadhaadh ee uu jawigu iga qasan yahay waxaan aadi jiray halka ay ka dhawyihiin, sidaas oo ay tahayna anigu wali hooyo ma noqon, inkastoon xaafad curad u ahay oo aan ka soo qayb qaatay korniinka walaaladayda iga yaryar, haddana wali ma gaadhin derajada waalidnimada.

Qoyskayagu wuxuu ka koobanyahay hooyo iyo afar ila dhashay oo iga yaryar, dhamaantayona waxaanu ahayn dad kala mashquulsan oo qof kastaa wuxuu u kalihi jiray goob gaara, maalin maalinta fasaxa ayaanu is waraysan jirnay, taas oo laga yaabo inay kamid tahay sababaha aan u cidlooday ee aan bannaanka uga raadsaday ciyaal kale.

Habeen anigoo sidii ii caadada ahayd ka soo rawaxay shaqadayda , waliba aan dareemayo daal badan oo aan u soo degdegayo qolkayga ayaan guriga hortiisa ku soo hormaray wiil yar oo ciyaaraya aadna u dhoolo-cadaynaya, eegmadii ugu horaysay ee aan jaleecayba, jidhkaa I qaboobay, waxaanan u qaaday kalgacayl xad-dhaafa iyo naxariis. Wiilka yar inkastoo magaciisa iyo meesha uu galoba aanan garanayn, haddana wuxuu noqday mid kamid ah dadka nasiibka u leh inay dhex degaan wadnahayga, wuxuuna hadhsaday laamaha ka baxa qalbigayga oo ay ku xusanyihiin dad gooni ah oo aan jeclahay inaan dhib iyo dheefba la wadaago.

Inyar baan la dheelay habeenkaa, kadibna waxaan iska soo galay xaafada. intaan maydhmaydhay ayaan qolkayga soo galay, markaan diyaarsaday jadwalkaygii beri ee aan dhamaystay hawlihii iga qabyada ahaana waan iska seexday. Hurdo aad u macaan anigoo badhtanka kaga jira ayaan mar qudha maqlay buuq iyo qaylo, waxaan ahay dadka hurdada fudud oo markiiba waan soo booday anigoo bisinka qabsanaya, yaasiinkana akhriyaya. Cabaar baan u fiirsanayay halka codkan dheer iyo sawaxankani uu ka soo baxayo, waxaanan ogaaday in mid kamida xaafadaha naga soo hor jeeda uu qalalaase iyo dagaal ka jiro.

Waxaan istaagay daaqada si aan u hubiyo xaalka, haduu khatar yahayna aan u waco askarta, laakiin anigoon ka dhaqaaqin dariishadii aan ka daawanayay dagaalka ayaan arkay afar baabuur oo askar ah oo soo gaadhay guriga naga soo horjeeda, maadaama aan arkay in ammaanku suganyahay waxaan u holaday inaan soo lebisto si aan uga qayb galo hawsha deriska soo food saartay.

Lamaane da’yar oo is qabay ayaa shaw is laayay oo gacan ka hadal dhex maray, gabadhii ayuu boolisku kaxeeyay, waana la xidhay, sababtoo ah waxay isticmaalaysay daroogooyin aan sharci ahayn. Maalmo kadib dawladdu markay dib u eegtay dembiyadii hore ee gabadha, waxay go’aamisay in gabadhu sidaa ku maqnaanayso oo ay tahay qayrul mas’uul, hadda kadibna wiilka yar uu korin doono Aabbihiis oo kaliyi, anna waxaan go’aansaday inaan ka war doono wiilkii yaraa.

Aabbihii ayaa subixii albaabka iga furay isagoo murugaysan, waxaanuu ii sheegay inuu shaqo tago maalintii oo ay ku adagtahay inuu Aabbo noqdo, isla markaana dhalinyar ahaado, haddana shaqeeyo 12 saacadood maalintii. Anna waxaan is waydiiyay ” maxaad u qaban kartaa wiilkan yar oo kamid ahaa mid kamid ah dadka degan qalbigaaga”, waxaan waydiiyay Aabbihii saacadaha uu shaqeeyo, wuxuu shaqaynayay maalintii, anna waxaan shaqaynayay maalintii, waan ka soo baxay anigoo uu warwar igu furanyahay, kadibna waxaan maamuulkii shaqada ka dalbaday inay ii wareejiso saacadaha shaqada oo ay iiga dhigto habeenkii, nasiib wanaag way iga aqbashay oo sidaas baan ku bartay dhafar iyo habeenkii oo la xamaasho, maalintaas kadibna fiid ma seexan oo waxaan la saaxiibay soo jeedka si aan hooyo ugu noqdo curadkayga cadaanka ah.

Wiilkii yaraa is baranay, magaciisu waa ” Bert ”, muddo shan sanno ahna waxaan wada joognaa dharaar walba, wuxuu iigu yeedhaa ” hooyo”, inkasta oo aanu hooyadii labadii sitimaan maalin aan booqasho ugu gayno, haddana wuxuu marmar iwaydiiyaa oo uu la yaabaa, sababtaan u madoobahay ee aan uga midab duwanahay, wuxuu yaqaanaa dhawr erey oo soomaliya oo uu iga maqlay, waana ilmihii koowaad ee aan si maalinle ah noloshiisa uga qayb qaato, ag joogiisu waa ii farxad , Aabbihiina wuxuu fursad u helay inuu wiilka yar u shaqeeyo oo dhaqaalihiisa uu kobciyo inta aan ka reebayo wiilka yar, dhaqaalena kaga ma baxo cid u haysa ilmaha yar, anna waxaan nasiib u helay inaan barto bini’aadantinimada, jacaylka bilaa xuduudka ah ee makhluuqa Alle qaar kamid ahi ay ka ooman yihiin iyo inaan korsado curad aan dhib la’aan dhalay.

Caawa qalinkaygu wuu ilmaynayaa, waayo waxaa qorshaha iigu jirta inaan waddanka ka guuro afar bilood kadib, Bert sideen uga guuri doonaa? Sideen ugu sheegi doonaa? Sideen uga dhaadhicin doonaa? Maxaase u danbayn doona ayaan la ilmaynayaa!. Magaalada aan deganahay oo ah tuulo yar, qofka aan ku leeyahay waa Bert.

Waxaan rabaa inaan u bixiyo magac soomaaliya si aan xusuustiisa ugu sii jiro ee iga caawiya magacaan u doori lahaa.

QALINKII; AMAAL M.M KASTAM.

COMMENTS
LINKS