Ciidamo Boolis Ah Oo La Wareegay Xarunta Tvga Star Ee Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamo Boolis Ah Oo La Wareegay Xarunta Tvga Star Ee Magaalada Hargaysa.
June 25, 2020 - Written by Editor:

HargeysaW,N)-Ciidamada Booliska, ayaa la wareegay xarunta Telefishanka Madaxabanaan ee Star Tv ku leeyahay Magaalada Hargeysa.

Wararka Laga helayo xadhiga Telefiishanka star ayaa lagu sheegay Amar kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta

Telefiishanka Star oo kamid ah warbaahinta ay leeyihin muwaadiniin reer Somaliland ah mudana ka hawlgalayay dalka ayaa warar kale oo laga helayo ujeedada ka danbaysay xadhigiisa sheegeen in ay jirto dacwad startv ka dhan oo ka timiday dalka jabuuti oo isagu dhibsaday warar ay ka baahisay maalmihii kacdoonadu ka socdeen kuwaasi oo sobobay In jabuuti ka dacwaysa televishanka Star Tv santalite uu ku leeyahay bartha hawada kaasi oo maalmihii udanbeeyay gabi ahaanba laga xidhay

Majirto wax war ah oo kasoo baxay xukuumada somaliland iyo wasaarada warfaafinta oo la xidhiidha sobobta ay uxidhay Tvga Star.

Si Cad looma ama oga sobobta rasmiga ah ee ka danbaysay xidhitaanka xarunta StarTv iyo  in Ciidamada booliska ee la wareegay ay  sitaan Waaran Maxkamadeed oo laga soo qaatay Haayadaha sharciga,hase-yeeshee wallow ay xoog kula wareegeen xili ay socoto shaqo maalmeedkiisii caadiga ahaa. Ee tvga.

Wixii kasoo kordha kala soco wararkeena danbe

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS