“Arinta Wada Hadalada Waxa Iiga Muuqata In Laga Leexday Nidaamkii Dhexdhexaadinta Sababta…”Gudoomiye Timo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Arinta Wada Hadalada Waxa Iiga Muuqata In Laga Leexday Nidaamkii Dhexdhexaadinta Sababta…”Gudoomiye Timo.
June 23, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi “Timo” ayaa ka hadlay qaabkii ay udhaceen wada hadaladii somaliland iyo somaliya ee ka dhacay dalka jabuuti isagoo sheegay in sharciyan laga leexday dariiqii wadahadalada islamarkaana aan la leexin la natiijada loo baahan yahay in ay kasoo baxdo.

Sidoo kale Gudoomiye Garyaqaan timo ayaa sheegay in aana wakhtigan haboonayn in laga wada hadlo arimaha dhaqaalaha ,nabadgalyada iyo waxyaabo lamid ah

Gudoomiye ururka qarenada Somaliland ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Arinta Wada Hadalada Waxa Iiga Muuqata In Laga Leexday Nidaamkii Dhexdhexaadinta Sababta Oo ah Ugu Horayn Waxay ahayd in la Qeexo Dhinacyada la Dhexdhexaadinayo Shakhsiyadooda ( legal background of the parties) ka dibna la Qeexo ujeedada laga leeyahay wada hadalada si loo garto Natiijada la filayo inay ka soo baxdo, ma natiijo kaliya laga raba Mise laba natiijo ayaa laga leeyahay, tusaale ahaan ( in ay wada Hadalada ka soo baxdo in Somaliland iyo Somalia dib loo Heshiisiiyo iyo inay kala noqdan laba dal oo kala madax banaan) ma labadan ujeedo ayaa laga leeyahay wada hadalada mise hal ujeedo ayaa laga leeyahay waa in lagu caddeeyo bilowga qodobada heshiiska,

saddex waa in loo sameeyo waqtiyeyn oo qiyaas ahaan la xadido inta fadhi ee la qabanayo, iyo ta 4aad oo ah in la qeexo muranka dhinacyadu isku hayaan ee dhexgalka ee lagu dhexdhexaadinaya waxa uu yahay kaas oo ah qadiyada shacabka reer Somaliland qaateen ee gooni isku taaga sababta ay u qaateen, iyo sababta ay ku diidan yihiin imika inay dib ula midooban ee xaqiiqo ahaan yaala goobta iyo sababta ay dowlada federalka Somalia ay u rabto inay Somaliland dib ula midowdo maxaa dan ah ee ku jira, ee ay horumarka iyo dhismaha dowladnimo ee Somaliland dhisatay u tuuri karto iyo faa’iidada tan ay hadda Somaliland haysato ka fiican ee ay ka heli karto isku darka Somalia,

sidoo kale xaqiiqo ahaan Maanta Ma Tahay Somaliya Meel Lagu Biiri karo oo Ay Masiirka Shacabka Reer Somaliland U tuuri karaan Dowladnimadooda, Iyo sharci ahaan in la isku qanciyo Somaliland xaq ma u leedahay inay ka tashato aayahooda mustaqbal oo ma soo ceshan kartaa dowladnimadii lixdankii, soo ceshada xoriyadii iyo dowladnimadii Somaliland wado xalaal ah ma u martay mise waa wado khalad ah maxaa manta xal ah ee suurto gali kara xaqiiqo ahaan, maxaan se suurto gal ahayn xaqiiqdana la is taabsiiyo oo barta murranku yaalo loo dhaadhaco,

laakin May Ahayn In Laga Wada hadlo Arin Dhaqaale, kalsooni iyo Nabad galyo oo aan meeshaba Oolin waana laga leexday wadadii wada hadalada sharci ahaan, kaliya waxa macquul ahayd oo sharci ahaan dhisnayd doodii uu Madaxwayne ka jeediyey furitaanki shirka, waxaanad moodaa in ay shirkan wada hadalada ka dhiman yahay qof dhinaca farsamada sharciga ah oo dajiya nidaamka loo marayo wada hadalada ee laguna xakamaynayo ka baydhitanka nidaamka dhexdhexaadinta

GUDOOMIYAHA URURKA QAREENADA SOMALILAND MAXAMED MAXAMUUD XAASHI TIMO.

COMMENTS
LINKS