|
|||||
WAJAALE NEWS
“Aqoonsi Maantuu Inoogu Dhawyahay…” Axmed Nuur Guruuje
June 6, 2020 - Written by Editor:Dagaalkii Webiga Niil Wuu Sii xogaystay , Sodan konfureed iyo soodaan waqooyi waxay la safteen Masar , xaaladda jabuuti iyana waa qasan tahay , sidoo kale Kenya iyo Itoobiya iskuma wanaagsana , Qaahirina Mogdisho ayay hubaynaysaa. Intaa waxaa dheer , dagaalkii qaboobaa ee aduunka oo garaacaya albaabadda geeska , shiinaha oo bayskiisa jabuuti ku maalgelinaya 8 biyan oo doolar isagoo ka dhigaya sal-dhig wayn oo baaxadle , Maraykanka oo shiinaha kula loolamaya geeska kana soo horjeeda is balaadhinta shiinaha . Sidaa markay tahay , Somaliland waxay joogtaa halkii Etoobiya joogtay 1896 ama shiinuhu joogay 1950, waxaana la rabaa inay degdeg u qaabayso siyaasadeeda ku saabsan ictiraaf raadinta iyadoo sal-dhig uga dhigaysa saamaynteeda gobolka , kana gudbaya siyaaadii horre ee ku salaysnayd nabad baanu dhisnay iyo dimuqraadiyad , xoogana saartaa , kobcinta dhaqaalaha , dhismaha haayadaha amniga iyo kordhinta dhaq-dhaqaaqyadda diblomaasiyadeed ee danaha ku dhisan . Waxaas oo dhana waxaa muftaax u ah in madaxwaynuhu soo dhiso xukuumad adag oo ka midho dhalin karta waqtigan adag . QALINKII; AXMED NUUR GURUUJE. Related posts:“Haddii Uu Sucuudigu Iiraan Siyaasadda Gobolkoda Kaga Adkaan Waayey, Waxa Ay Ka Door Bideyaan In Is... Somaliland Cadaw farmaajo Ka Darani Muu Soo Marin, Laakiin Waxaynu Ogeyn In Siyaad Barre Oo ka Cudud... Hambalyo Dhalasha Wacan Sakhiya Maxamed Ibrahim Mustafe Maxamuud Hassan Oo Gabadhi Ugu Dhalatay Maga... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|