|
|||||
WAJAALE NEWS
Xuska 18May Iyo Xasuusta Mujaahidka!
May 19, 2020 - Written by Editor:*Maxaan Ka Aqaan Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale** Tan Iyo markaan Raad bartay waan Aqaanay magaciisa qof Ahaaneed, ka qoyskoodana anigoo garanaya ayuun baan Garaadsaday. Hasayeeshee magaciisa oo meel ku qoran waxaa Iigu horeysay oo aan arkay sanadii 1994 oo aan ka akhiriyey buuga hal-karaan ee hadraawi. Oo abwaanku ku xusay kuna soo Halqabsaday ,Isagoo yidhi: “Hadaad Doonto Gaadhsii* Gaariye Iyo Hadraawiyo* Gurxan Iyo Burhaaniyo* Ninkay Guush Yidhaahdaan* Ama boobe Ugu Gee* Gurigiisa Taywaan”,* Maansada isa-sudhan**. Hase ahaatee waxaan si fiican u bartay oo uu noqday shaqsi saamayn ku leh noloshayda sanadii 1998dii. Wakhtigaa waxaan ahaa arday oo jarmaadada aroorta hore waxay ii ahayd joogto,subaxdii alle keenana waxaan lugayn jirey afar kiiloo mitir si aan u gaadho dugsiga aan dhigan jiray oo ahaa dugsiga sarre ee qalax ee ku yaala magaalada gabiley. Waxay ahayd mooyee masaafada iskuulku wuu nagu fogaa berigaa aagagaarkiisana cid ma ay deganayn.waxaa kaligii meel banaana ku yaalay guri weyn oo uu mudooyinkaa dhistay Boobe Yuusuf Ducaale. Inuu ahaa guri bangalo ah oo bilicsan oo arday kasta oo Agmarayaa ku hamiyo inuu mustaqbalka dhisto ka sakow Waxuu noo ahaa bar kulan aanu tilmaansano waayo ardayda ka Timaad sidayda badhtamaha magaalada, ama suuqa sarre ama dhinaca bari iyo ardayda ka timaad aagaa galbeed ayaa halkaa guriga boobe wadada kaga soo wada dhici jirey. Inta socodka ka hadhayna isa sii weheshan jirey. Horta anigu waxaanu halkaa ku kulmi jirney saaxiibkay maxamed aw jibriil taani iyo caydaruus Axmed Ismaaciil qadiye iyo xer kaloo badan. Aroor kasta isagoo wata gaadhi yar oo karoole(carola) ah oo Midabkiisuna cagaar yahay ayaanu wadada iskaga hor iman jirnay oo anagoo laba laba arday u socona mujaahidku na soo dhaafi jirey isagoo u kalahaya hargaysa wakhtigaa waxuu ka shaqayn jirey wargeyskii jamhuuriya. Waa halkaa halka ay ka soo bilaabmatay saamaynta iyo barashada qoraa boobe yuusuf ducaale; waxaanu inbadan oo Ardayda iskuulka dhigan jirtay oo aan ka mid ahaa u ahaa shaqsi ku dayasho mudan ama “role model” Waxaa aniga farxad gaar ah ii ahayd inuu ardayda kale iga aqoonnsan jirey oo markuu i ag-marayo i salaami jirey hadaan xataa arday ku dhex jro inta badana waxaanu iskaga hor iman jirnay inta u dhexaysa dugsigan Sheikh Muxumed warsame iyo gurigiisa.sidaan uga mabsuudi jirey ilaa maanta ma iloobo. Waayo ! Shaqsiga i salaamay waxuu ahaa mid ay ardaydu wada garanayso oo koley hadhow markaan iskuulka tagno kalaaska dhexdiisa ama galabta ayaa waxaanu akhrin doonaa jaraa,id uu ku qoran tahay qorme lagu saxeexay qalinkii boobe yuusuf ducaale inta badan waxaa jaraa,idada noo keeni jirey oo aad u xiiseyn jirey cabdi axmed faarax oo aanu isku kalaas ahayn dugsigii hoose ilaa jaamacadii camuud saaxiibkay cabdi waxaa dhalay weriyihii weynaa ee alla ha u naxariistee axmed faarax kaahin oo wuu hide socdaa oo saxaafada ayuu aad u xiiseeyaa alla maxaan xasuustuu anagoo dugsiga hoose/ dhexe dhigana beri uu cabdi axmed maqaal ku soo qorey jamhuuriya xiisada iyo xamaasaduu Noo lahaa Ma malayn Kartid. Waxuu qoro oo aan akhriyo waxaa iigu horeysay buug yar oo la odhan jirey ileys oo uu teeb ku qorey oo ka waramayay taariikhda SNM. Oo gacanta lagu rogey ama lagu badin jirey maalintaa waxii ka dambaysay maqaal iyo buug uu qorey oo aanan akhrini ma jirin ilaa aan markii dambe kala qayb qaatay qabyo tirka diiwaanka Maansada Timacade. Markii ugu horeysay ee aan si shaqsi ah u wada hadalno ama u xidhiidhnay waxay ahayd waayadaa anoo iskuulka dhigta oo xiiseeya suugaanta iyo dhaqanka soomaalida oo doonaya inaan wax badan ka ogaado ayaan email u direy oo aan wax ka weydiiyey inuu iiga sheego macluumaad ku sahabsan silsiladihii siinley iyo deeley oo markaan aan rabay inaan wax ka ogaado si niyad sami iyo dhiiri galin ku dheehan tahay ayuu email faahfaahsan iigu soo jawaabay oo uu iiga shaafiyay waxaan martida uga ahaa.waxaa xusid mudan oo aan waligay xiskayga ka guureyn emailkaa uu iigu soo jawaabay waxuu hadalka ku soo xidhay oo uu igu yidhi erey kooban oo waano ah waanadaasi iguma ay cusbayn balse waxay noqotay mid igaga saamayn badan macalin ha noqdo ama cid kalee waxii waano hore la ii faray Waxuu mujaahidku maalintaa hadalkii iimaylka ku soo xidhay “waxaan kugula dardaarmayaa daqiiqadina yaanay macno daro weligaa kugu dhaafin” hadalkaasi meel kasta oo aan joogo ilaa maanta maskaxdayda daqiiqad kasta wuu ku soo dhacaa markaasaan degdeg uga tabaabulshaystaa haday macno daro ila noqoto waxaan hayaa. Aniga iyo inta ila aragtay waxaan ku aqaanaa ixtiraam iyo qadirin badan oo uu siiyo cid kasta oo wax soo mooda ama wax ka martida gaar ahaan dhalin yarada. Maalintaa ilaa maanta sidii ayaanu iskugu xidhanahay waxaanan ku bartay boobe yuusuf ducaale oo baadi sooc u ah waa nin balanta ku adag, dhalinyarada jecel ,wakhtiga ka faaidaysta,beenta aan aqoon heli og hadalka madal kastana ka yidhaa hadalka ku munaasibka ah bal u fiirso hadaanad hore ugu fiirsan dib u eeg meel kasta oo uu ka qayb galo ereyga kaga aadan ayuu ka yidhaa isagoo wakhtiga ilaalinaya Bal hada boobe iyo qabyaalada siday isku yihiin dhacdo yar ayaan idiin soo gudbinayaa Qolo odayaal ah oo ay isku beel yihiin ayaa sida igu maqaalo ah beri shir reerku ku arinsayay ku soo casuumay boobe yuusuf ducaale markii uu yimi dadkii oo xamaasadaysan oo ninba meel dooda ka tuuranayo ayuun buu boobe hadlay waxuu yidhi halkan shir ayaad iskugu keen keenteen waxaana laga soo saari doonaa go,aamo la rabo in la fuliyo oo nin kasta oo meesha fadhiyaa gaadhsiiyo jufadii uu ka soo jeeday iyo reerkuu metalayo sow maaha markaasaa la yidhi haa dee hadaba sidee ayaan anigu uga dhex fulinayaa reerkayaga ileyn ima ay soo diran hadaan go,aamada qaado oo ay fuli waayaana maxay idinka idiin taraysaa ? Dee waa la is wada eegay uun show cid reerkoodu soo diratayba meesha ma fadhiyo la yaabse ma laha oo waxaa iska caadi ah iileyn reerna guri ma qaaadi karee in kolba afarta is agjoogtaa metesha reerka oo afka reerka ku hadlaan balse taas boobe wuu diidey waana lala yaabay. Qalinka boobe waxaan ku bartay kalsooni badan iyo dhiiranaan, xaqiiqo iyo xog ogaalnimo inta badan waxuu isku dayaa inuu akhristaha u xaqiijiyo dhacdooyinka uu werinayo isagoo ka dheeraanaya inuu qurqurxiyo dhacdooyinka oo sidooda u soo bandhigaya isagoo adeegsanaya amaarado iyo astaamo xaqiijinaya dhacdooyinka uu ka waramayo . tusaale ahaan markuu ka waramayo shir golaha fulinta ee snm yeeshay waxuu kuu sheegayaa saacadii,maalintii sanadkii iyo midabka qalinkii lagu qorey go,aanadii ka soo baxay shirka Waa shaqsi aan abaal badan ugu hayo wax badan oo uu ku kordhiyay ogaalka dayarta iyo kaalinta wax ku oolka ah ee uu umada ugu jiro sidaas awgeed maanta maadaama ay tahay 18 may 2020 waxaan jeclaystay inaan erey iyo laba ka idhaa intaan ka aqaano mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale Cimri dherer iyo caafimaad ayaan u rajaynayaa isaga iyo inta la midka ah ee umadan aabaalka ku leh W/Q: C/Kariim M.Cadde (Qaamuus) Related posts:Guddida Cadaalada JSL Oo Dadweynaha Ugu Baaqay Inay Aqbalaan Go,aanada Garsoorka, Ugana Digay Aflaga... Hadal-haynta Maalmahan:Dhulku waa "Dhiib,iib,Siin waase Iin taal", Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, Shiinaha Iyo Soomaaliya Way Ku Karaamo Seegayaan Dagaalka Ay Kula Jiraan Somaliland Iyo Taiwan!Faall... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|