|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Si Adag U Cambaaraysay Hub Dawladda Masar Ku Caawisay Somaaliya.
May 27, 2020 - Written by Editor:“Waxaanu Midowga Afrika Iyo Qarammada Midoobay Ku Wargelinaynaa Halista Ka Dhalan Karta Hubkaas Sharci Darrada Ah Ee Masar Sida Qarsoodiga Ah U Siisay Xukuumada Farmaajo”Wasiirka Gaashaandhiga Jsl. Hargeysa(W,N)Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa cambaareeyey hub dawladda Masar Si qarsoodiya dhawaan ugu deeqday Xukuumadda Itaalka daran ee Soomaaliya, kaasi oo ka hor imanaya cunaqabateyntii hubka ee Qarammada Midoobay ku soo rogtay Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga JSL wuxuu sidaasi ku sheegay qoraal uu maanta ku faafiyey bartiisa Twitterka oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu Wasiirku ku eedeeyey dawladda Soomaaliya inay si cad u jabisay xayiraadii hubka ee Qarammada Midoobay hubka ka saartay Soomaaliya. Wasiir Cabdiqani Caateeye wuxuu caddeeyey inay Somaliland walaac ka qabto in hubkaasi uu waxyeelo ku yahay ammaanka iyo xasiloonida Mandaqadda Geeska Afrika. Waxaanu midowga Afrika iyo Qarammada Midoobay ku wargeliyey halista ka dhalan karta hubkaas sharci darrada ah ee Masar sida qarsoodiga ah u siisay Dawladda Farmaajo bishii Feberwari ee Sannadkan oo warkeedu xiligan si sir ah uga soo baxday Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Muqdisho. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE.
Related posts:Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Lix Dhallinyaro Oo Dawladda Soomaaliya Tacadiyo Ugu Geysatay Mu... Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa Ayaa Damiyay Dab Qabsaday Guri Jiingad ah Oo ku Yaala Xaafad... Daawo:Nuxurka Khudbad Xirsi Xaaji Cali Xasan Ka Jeediyay Munaasibad Loo Qabtay Taageerayaal Kusoo Bi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|